Aan kitaabka kaaga nabad galo! November 1, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: shabaab iyo diinta, shareecada, soomaliya
add a comment
Waxaa maalmahan la hadal hayaa oo dhagaha dadka soomaaliyeed ku batay dhalinyarada loogu yeero Shabaabka.. doodaha badan oo ummada soomaaliyeed ee dibada ku nool iyo waliba kuwa wadanka ku noolba baa siyaabo kala duwan uga haldlay xaalada soomaalida qarankeedu ku sii socdo.. Midda ugu qiimayn fiican waa ninka yiri shabaabku waxay ku guuleysteen inay ummaddan shareecada ka horkeenaan.. hadalada aan maqlay bay ka mid tahay hadaad kitaabka wadatid (aan asaga kaaga nabad galo) oo micnaheedu yahay kitaabkaaga maahee aan amaan kaa helo. Waa hadalo naxdin leh in la maqlo, taasoo ku tusaysa inay ummaddan ka noqotay in kitaabka lagu hogaamiyo. Waa arrin naxdin leh oo soo gabagabaynaysa saxwadii islaamka ee Soomaaliya.
Halgankii loo soo maray mudada dheer in ummaddan la baro sidii ay ilaahay u caabudi lahayaan. Halgankaas dheer ee ummadda soomaliyeed u soo gashay soo celinta iyo soo noolaynta shareecada ayaa hadda waxay u muuqataa mid ay mugdi weyn ku soo aadan tahay. Qarankii Soomaliyeed ee 1990 laga dhigay hal bacaad lagu lisay, ayey hadda u muuqaataa in ayaduna wax rajo ah ka muuqan qaybii diinta ee loo fakan lahaa. Arrinta ugu dhibaato badan waxaa weeye in horseedayaal ka noqdeen dhalinyaradii laga filayey inay hirgaliyaan, waxayna taas la mid tahay tii ciidamada xooga soomaaliya qaar ka mid ah sameeyeen, ee ahayd inay qarankay difaacayeen dumiyaan, oo cadawgeeda u liidaan. Waxaa loo baahan yahay in la ogaado meesha wax halaabeen, xag diin iyo xag qaranba. Inkastoo aan malaynayo inay labada arrimood ay aad u kala duwan yihiin haddana waxaan filayaa inay meeleha qaarkood isaga mid yihiin.
Haddaba taariikh qorayaasha iyo baarayaasha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay hadda wax ka qoraan xaalada ay ku sii socoto ummaddan. Haddii ay noqoto inay sidaas ku qaran weydo oo ka tiranto juqraafiga aduunka iyo haddii ay badbaadaba waa arrin aad u haboon in sida maanta wax dhacayaan wax laga qoro.
salah
Xaalada Soomaalya ee sii madoobaatay June 22, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: Iiraan, shabab, shareecada, somalia, somalipolitics
add a comment
Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya iyi aduunkaba dhacdooyin xiiso leh. Tan aduunka waxaa la xiisaynayey doorashada Iiraan iyo in orange revulation laga samayn karo halkaas… ma suurtoobin lakiin qulquladii ka dhalatay wali waa socataa.. seen u arkaa dadka reer Iiraan ee rabshadaha wad iyo kuwa xukunka hayaba. ok kuwa mudaaharaadaya waxay iila muuqataa intay nidaamka wadankooda sixi lahaayeen inay rabaan inayba burburiyaan…. waxay u adeegayaan waa la garan waayey oo aan ahayn inay Iiraan aduunka ka reebaan oo sida Soomaaliya oo kale noqdaan… Nimaan Alle nicmadiisa ku shukrin iska daada baa alla u diraa, dhalinyarada Iiraana taas bay ku socdaan. Tan dawladoodu waxaan u malaynayaa inay ka gaabiyeen isbadalka dhacaya ee aduunka, waxayna u diyaarin waayeen dhalintii ay wax bareen inay danta wadankooda u adeegaan oo ayna ininkale heeryada u qaadin… waa waxa hadda ka muuqdee..
Arinta Soomaaliadu waa mid ayadu lugaha lasii galaysa mugdi sida looga saaro ay adagtay… dhalinyarada shabaab labxdayna waxay ummadan u keeneen in ummadu ka quusato cadaalad diinteeda ku salaysan oo ay hesho.. Culumadii ciirsiga ugu dambeeyey umadan u ahaa maanta waa laga aamin baxay oo codkoodu ma dhaamo kuwii wadanka dumiyey ee mooryaanta…. Su’aasha soo wajahaday dadka soomaliyeed ee shareecada u halgameyey waa Maxaad dhaantaan kuwii kursiga dartiis dalka u rogay iyo kuwii ka dambeeyey ee kufsaday qarankoodii?” Waxay ku jawaabaan ma hayaan markii ninkii ku doodayey waxaan rabaan ajar aakhiro oo anigu aduunkan darajo marabo laakiin waxaan doonayaa in kalimada Eebe kor noqoto oo diinta loo sinaado laguna dhaqmo uu maanta kursi u dirir yahay. Waxaa kaaga daran maalin ummadan ka liidato ma soo marin, meeshay gargaar iyo dib u dhis ka sugayeen ayey rasaas lagu asqaysiiyey…Eebaa Idiin maqan, shareecada Eebbaa ilaashanaya.
Shabab Onslaugh on Somali people and Sharia May 15, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: diin, dowlad, goverment, shari'a, Shariif, somalia
add a comment
I hope Somali people will survive from alshabab onslaught, this guys are destroying the struggle for sharia and somali dream. May god save Somali children and those week and disoriented government. We support peace and peace be with Somali people. This fitna has origin, as i think, in 1990 when those people rape, kill, dismember and loot Somali muslim and unsuspected minority people. the grieve and horror that Somali women and the weakest in this sociaty live trough will not forgiven by the God easily. So, I think Sh. Shariif has to lead the people to towbah (repentance to god) and has to be public place and from radio too. Only when the people recognize what they did to the fellow human being and repent, will god give them guidance.
will write more on this………….inshaalah
Xaaladii Hore ee Soomaalida Burburtay April 30, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, Dhicidii Soomaaliya, diplomasinimo iyo galbeed, Gargaar ma sadaqaa, taariikh soomaali
add a comment
Waxaa bishan Abriil ee dhamaadka ah ka jira soomaaliya iyo xeebaheeda arimo badan oo lagaga hadlayo jaraa’idka aduunka. Su’aalaha aan wali la is weydiina waxay tahay see Soomaaliya saas ku noqotay, ama ha noqoto xagga budhcad badeeda ama dowlad la’aanta..
su’aalahan ayaa jawaabtooda waxaan jeclahay inaan wax ku fiiqo farta si aan ugu tilmaamo dadka taariikhda soomaaliya fiirin doona … Midda hore waa see Soomaliyi godka ugu dhacday?
Markaan dib u fiiriyey taariikhda yar ee aan anigu goob jooga u ahaa, oo ka soo bilaabaatay waqti aan iskuulka bilaabay anoo todoba jira ilaa hadda oo aan nin garmadow ah ahay ayaa taariikhda Soomaaliyeed wax wayn iska badaleen. waxaan ku soo bilowday waqti dawlad adag oo horumar tiigsanaysay ay haysay wadanka, waxaana ku xigay dagaalkii Ethiobia iyo Soomaaliya ku dhexmaray 1977 ee lagu xoreyn waayey dhulka Soomaali galbeed. waxaana ku xigay dibu socodkii dawladu ka digi jirtay inay madaxa la soo baxaan oo ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu celiyaan dowlad la’aantii gumaysigu ka saaray ilaa hadana la maarayn la’yahay in bal dib dawlad loo dhiso. Mawduucyadaas aan ku ku soo sheeagay mid walba buugiisa ayaan ka qori karaa, laakiin hadda ma rabo inaan guda galo oo aan wax ka tibaaxo arimahaas. Waxaan kaliya oon doonayaa inaan iftiimiyo sida dibloomasiyiin reer galbeed ah waxay dejiyeen uu hadda dib ugu soo laabtay inuu dhibo wadamadii ay matali jireen… tusaale raggii Amerika ee maalgaliyey burburka Soomaaliya way qoslayeen markii Soomaaliya ay afka u dhacday, ayagu ujeeda walba ha ka lahaadeene, waxay maanta oo ah 20 sano ka dib arintu u egtahay in dadkaas aynan marna indheer garad ahayn. Wadankii dirsada dad aan indheer garad ahayna waxa maanta reer galbeedka ka haysta badda Soomaaliya iyo talibanismka ayaa ku filan..
Qisada aan goob jooga u ahaa waxaa aad maskaxdayda ugu aharay markii Soomaaliya ay gashay maalmaha mugdiga ahaa ee dhaqaala darada iyo dibu socodka soo nooleeyey qabyaaladii iyo isku dirkii dadka walaalaha ah dawladii markaa jirtayna meel ay wax ka qabato garan weydey, ayaa nin safiir ah oo markaas Soomaaliya joogay la weydiiyey waxa uu ka yeelayo arrinta Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Soomaliya waxaan kula dhaqmaynaa waxa ay na tusto”… Waxaan maalintaas filayey in ninkaasu dhihi doono Soomaaliya dawladeeda waxaan ku dhiiri gallinaynaa in ay doorasho xor ah ay dadkeeda u horseedo, tixgalisana sharciga iyo xuquuqda aadanaha… Maya, wuxuu la xirtay dibusocodkii iyo kuwii wadanka duminayey, waxaa qaxday kumanaan kun, waxaa dhintay boqolaal kun, waxaa baaba’ay wax alla wixii astaan dawlad ahaa ee Soomaaliya lahayd. Intuu nafta bini’aadamka badbaadin lahaa wuxuu ku raaxaystay islaynteeda, si fiican buu u qoslay markii ciidamadii difaaca soomaaliyeed qaarna la xasuuqay, qaarna qaxay, qaarkii kalana ay qabiiladooda la kala safteen… Hadda ayaan u jeedaa wixii ciidamadaasu qiime ahaan ugu fadhiyeen aduunka, bal Soomaali u kaadiyoo, bal fiirso badweyunta hindiya maxaa ka haysta aduunka.. miyeyna ciidamadaasu istaahilin in burburka laga baajiyo oo dalka Soomaaliyeed la badbaadiyo.. Maya, hawtalhamagnimadu waa dhibaato, kharashka maanta ku kacaya budhcad la dirirka badaas Soomaliya ku xeeran reer galbeedow ka jawaaba, tan kalana ka jawaaba dhibaatada argagixiso oo Soomaliya degta walwalkeeda, inkastoo aan waxweyn wali ahayn laakiin waxbaa ka soo ifbixi kara meeshaas. Warkaygu wuxuu u dhacayaa ragga ay dirsadaan reer galbeedku ee dibloomisiyiinta iyo khuburada isku tilmaama waxaa ka indheer garadsan ardaydii NUS(jamacada ummada Soomalaiyeed). Waxaa arinta Soomaliyeed la mid ah waxa ka dhacaya Afganistaan, falastiin iyo dhamaan wadamada carabta, waxay dadka ka soo baxay kuliyadaha aqoonta diplomaasiyada reer galbeedka kala saari waayeen waxa udana aduunka oo dhan maantaas la joogo iyo waxa u dan ah aduunka mustaqbalka dheer. Wax Scenario badan ay is barbardhigeen waxba ku keeni waaye, taasu waxay ku tusaysaa inaynan waxbadan qiyaasi karin, mustaqbalkan waxaba ka badali karin, arintuna alle gacantiisa ku jirto, xigmadiisuna weyntahay meesha uu marsiinayo asaagaa og dadkaan aduunka ku nool.
Deeqda la siiyo wadamada liita sida Soomaaliya oo kale ma ahan deeq meel cidla ku dhacda ee waa deeq aduunka oo dhan badbaadisa dibna ugu soo laabata ayadoo faa’iido weyn ah kuwii bixiyey. Siyaabo kala duwan ayuu Obama ku tilmaamay deeqdaas markii hore wuxuu yiri waa maalgalin suuqa soo koraya (downpayment for emerging market), mar kalena waxay ilaalisaa danteena sida hadii dawladii Soomaaliya dhuntay uu hadda dhibku uga haysto aduunka arrinta Soomaaliyeed iyo badda ku wareegsan. Asagu wuxuu tusaale u soo qaatay cudurka hargab doofaarka ee maanta taagan iyo sida nolosha mareykan ugu xirantahay tan wadamada kale sidii uunan cudurkaas ugu faafin mareykan oo meeshiisa loogu hakin lahaa… Yes , macro-economy buugta ugu horeysa ayey ku dhigan tahay in deeqda wadamada liita la siiyo aynan ahayn deeq ee ay tahay maalgasasho, u sheeg !!!!!!!!!!!!!!!!
wbilahi tawtiiq
Cumar C/rashiid Ma Haldhacay? April 6, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, cumar c/rashid, indian ocean, kenya iyo somali, xadaynta badaha
add a comment
Sidii aan u jeclaan inaan ka faaloodo dhacdooyinka taariikhiga ah ee soomalidu marayso ayaan maanta jeclahay inaan ka faaloodo, ra’yigaygana ka dhiibto xaalada taagan maalintaas. Hadaba maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo arimo quseeya BADDA SOOMAALIYA iyo tacadiga ka taagan.
Awalbaan wax horey uga qorey arinta burcada badda Soomaaliya oo aan ra’yigayga kaga dhiibtay, maantase waxaa IDHIBAY xadka badda Soomaaliya iyo keenya tasoo warbixin ku aadan arrintaas ay SomaliTalk.com wax ka qortay.. Waxaan leeyahay ninka arrinta soo diyaariyey shaqo wanaagsan baad qabatay, ajar allah ha kaa siiyo, halganka difaaca soomaliya dhanka qalinka meel adag baad kaga jirta.. Ka daali mayno insha allah difaaca dalkeena lagu goobtay, wadan walbana danta gaar ah ee uu ka leeyahay ay keentay inay mar walba ku dadaalaan inaan soomaaliya dawlad u dhalan. Haddii qaar aan ka magacaabo dalalkaas, bal soo qabo Sycheles oo ku dadaalaysa inay joogtayso lacagta ka soo gasha Tunada xeebta soomaaliya ay ka qabsadaan dalalka yurub iyo aasiya oo dhan 9milyan oo doolar. Yeman oo ayadu rabta inay dulaalkaas Sycheles kala wareegto ilaa hadana u suurtoobin, laakiin hlaganka horistaaga soomaliyeed dhinaceeda kaga jirta. Kenya oo ayada lacag badan ka soo kasho jaaliyada Soomaaliya, haddana rabta dhulkii NFD inay ku darsato Bad lagu qiyaasay 38000KMsq, una muuqato in Cumar C/raashiid ay dabinkaas la heshay.
Hadaba mawduucaygu wuxuu ku jeedaa inaan ugu sheego in taariikhda qafna ka dhuuman Karin ayna tahay inuu ka fiirsado heshiisyada lala hor ordayo, siiba wadamada horataagan in Soomaaliya dawlad noqoto, markastana isku dira dadkeeda. Haddaba ummadda Soomaaliyeed uma cuntamayso haddii lagu fuliyo heshiis xaqdaro ah waxayna sii abuuri doontaa cadowtooyo kale oo ku sii kororta midda dhulka NFD ee hadda jirta.
Dan uma aha in Keenya ay sii kororsato cadowtooyadaas, taasi waxay ku qasbi doontaa umadda soomaliyeed inay mustaqbalka soo socda dagaalo u diyaar garowdo.
Ina Cabdirashiid iyo nimanka baarlamaanka isku sheegaya waxaa leenahay walaalyaal taariikhda Soomaliya meel xun ha ka gelina ee sameeya waxyaabahan soo socda.
· In aad hor istaagtaan wax walba oo soomaaliya kala dhantaalaya
· Inaad burisaan heshiiska Cumar C/rashiid la saxiixday Kenya oo aan la ansixin
· In dawladaha idinla hor ordaya heshiisyada aad u sheegtaan in markii dawlad rasmi ah dhisanto la idinla saxiixan doono, oo hadda waxaad saxiixdaan aan waxba ka jirin.
Aniga ima anfacayo heshiiskaas waanan ka dagaalami intaan noolahay
Xisaabtana waa danbeeyaa xaqdarada qofkii horseedaa oo dhulka iyo badda soomaaliya saxiixa\
wabilahi towfiiq,………………salah
Maxay Galabsatay Soomaali March 20, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Diinta, Somali politics and tribulations.Tags: 21 st century and somalia inadian ocean, indian ocean, Power Plays in the Indian Ocean
add a comment
Waxaa maalmahan aduunka wararka ku wareegeayey warar ku saabsan soomaaliya iyo xeebaheeda, waxaadna u malaysaa in xaalada soomaaliya ay ku dhexwareersan tahay aduunyo hardamaysa oo muruqyo isu sheeganaysa iyo qolooyin ayagu saaxada ku qalafsanaatay, labaduna dadka soomaaliyeed aan dan u hayn, waxay saaxada saxaafada aduunka soo saaraan ama ku soo dhextuuraan ayagoon ummadan masaakiinta ah ee gaajada iyo faqriga, jahliga, dagaalka ahliga, cudurada iyo dacdaro aduun oo aad magacawdidba ay haysato aan dantooda iyo baahidooda midna ka talin kana nixin… Haddase waxaa xataa qoolka qaabka daran ku jira soomaalida banaanka joogta..oo ayada xataa tuhunka rag soomaaliya u cararay sumcadooda haleeyaan kana dhigeen target ay dadka xuma doonka ah ay soomaalid ku giiraan ama geeska ku daraan, maxsuulka arrinytan ka dhashay waa in dhalin yaro soomaali ah looga yeero ilaa Senetka mareykanka lana weydiiyo su’aalo ku saabsan dhalintaas iyo waxa la fili karo in ay ka dhashaan. Well dawlada mareykanku xaq bay u leedahay inay difaacdo dadka reer maraykan oo soomalidu ay qayb sharafleh ka yihiin, kana difaacdo qatar kaga imaan karta dhalintan hadii ay wadanka ku soo noqdaan iyo inay ka hortagto in dhalinyaro kale xagjir laga dhigo oo la seejiyo jidkii toosnaa ee diinta islaamku cadaysay.. waxaa xusid mudan inaan kaga hadlay muwduuca xagjirnimada iyo culumada soomaliyeed sida ay hadda ugu baraarugeen inay ka hadlaan, waxaanan filayaa inaynan ahayn mid ama dadka kale cadaadiskiisa loo samaynayo ama la is tusayo laakiin ay tahay in ay tahay waajib diini ah in looga gargaaro dhalinta yaryar jidka qaldan oo aan ku saxnayn diinteena…
Shareecada iyo Soomaaliya March 4, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Somali politics and tribulations.add a comment
Waxaa todbaadkii la soo dhaafay ka akhriyey warbaahinta aduunka war aad aan ugu farxay oo ay ka mid tahay in SH. Shariifka soomaliya hadda madaxweynaha u magacaaban uu ogolaaday in dalka iyo dadkaba lagu dhaqo shareecada, hadaba waxaan jeclahay fakar yar oo aan arintaas ka qabo iyo arimo kale oo jira…….
Midda ugu horeysa waxaan tacsi u dirayaa Sh. Suuley, oo maanta ku geeriyooday Hargeysa, Allah jannada fardowsa ha ka waraabiyo wuxuu ka mid ahaa culumada saxwada islaamka soomaliyeed, aniga oo yar ayaan maqli jiray maxaadarooyinkiisa iyo baraarujinta uu dadka soomalyeed bari jiray ku noqoshada sunnada nabiga iyo kitaabka allah.
midda labaad waa faraxa ku saabsan ku dhaqanka shareecada ee soomaaliya taasoo halgan adag ay ummada islaamku u soo martay, aniguna waxaan goobjoog ka ahaa halgankaas dhibka badan ee dhalinyarada soomaaliyeed u soo mareen in la gaaro maanta heerkaas, oo markay gu yartahay hadda taagan ku dhawaaqid. Runtii waxay ahayd halgan adag oo dhibkiisa iyo cadowgiisu yarayn, dad badan ayaa u soo dagaalamay ha noqoto mid waxbarid oo dadka diinta dib loo baro, sida Sh. Shariif Cabdinuur, Sh. Aadan Sh. Cabdullahi(AUN), Sh. Ibaarahim Suuley (AUN), SH. Maxamed Macalin(AUN), ama ha noqoto halgan af iyo adinba lahaa oo ay la yimaadeen dhalinta soomaliyeed ee waxbaratay intii wadanku dawlada lahaa iyo kuwii ka danbeeyey ee ay waxbareen. Waxaan ugu ducaynayaa in ummada soomaliyeed ee muslimka ah ilaahay u aqbalo halgankaas oo ay shareecadu hirgasho, diinta allana kor noqoto….
Midda sadexaad waxaan jeclaan lahaa inaan xusuusiyo dadka muslimka ah ee soomaliyeed inay ogaadaan taariikhda ay leedahay middan iyo isgoyska maanta la taagan yahay, waxaa maanta loo baahan yahay in laga faa’iidaysto fursada qaaliga ah ee taagan loona istaago hirgalinta shareecada ayadoo aan la degdegayn loona baahnayn in qofwalba uu asagu ku fuliyo gacantiisa, sida ka dhacaysa degmooyinka kismaayo iyo meelo kaleba, waxaan jeclaan lahaa in la cuskado allah iyo sabirka , nidaamkana la dhiso ayadoo tartiib loo dhisayo wasaarada cadaalada iyo garsoorka iyo laamaha kale ee dawlada. hadaba waxaa muhiim ah in la raaco qodabadan aan is leeyahay waa u saldhig hirgalinta xukunka allah ee dhulka soomalyeed
1: In la dhiso Golaha shuurada culumada , Taasoo marjac u noqota wixii la isku khilaafo, waana in xataa laga qayb galiyaa culumada kala fikradaha duwan si ay saldhigbalaaran u yeelato golaha culumadu.
2: In aan la fulin wax ciqaab ah inta maxkamadaha kala sareeya la dhamaystirayo si qof walba u helo cadaalad sugan.
3: In culumada loo tababaro xukunka shareecada iyo sugida cadaalada lana helo xukaan ku filan dhinacyada kala duwan ee xukunka shareecada
4: In cadaaladu ka madaxbanaanato dawlada
Mawduucyadan aan ka hadlay waa talaabooyinka degdegta ah ee loo qaaadayo si loo sugo wasaarada cadaalada, laakiin waxaanan wali ka hadlin shareecada iyo siyaasada wadanka taasoo aan jeclaan lahaa inaan ayadana wax yar ka iftiimiyo;
Xagga siyaasada waxaa ugu muhiimsan in ay ogaadaan, ragga hogaaminaya dalkan hadda, meesha maanta la taagan yahay iyo halganka ka dambeeyey in heerkan la soo gaaro, caqabadaha iyo cadowga hortaagnaa, marxaladaha kala duwanaa ee ay soo martay in la soo gaaro heerkan. Hadaba waxaan intaas u iftiiminiyaa waa ka hortaga in marlabaad lagu noqdo dhibaatadii jirtay oo la hanan waayo dhaqangalinta shareecada. Hadii aadan ogayn wixii ku hortaagnaa waxaad halis u tahay inaad marlabaad aad khalad gasho oo waxaagii oo curduna lagugu tunto, waxaanan ogahay in ummadan dhalinyaradeedu ay fududahay in lagu jiido jid qalad ah, waa degdega, taasoo ah cadowga ugu weyn ee aan dadka soomaliyeed uga baqo ahna waxa mudo dheer aan la hanan weynay fursado badan oo soo maray mushtamaca soomaaliyeed. Dadku tusaalayn bay wax ku fahmaane waxaan soo qaadan karaa dagaaladii soomaaliya ka dib fursadihii soo maray dhalinta shareecada u halgamaysay waxaa ka mid ahaa kacdoonkii garoowe, maamulkii gedo, kismaayo iyo kii ugu dambeeyey ee maxkamadiihii xamar ku midoobay 2006. Kuligood waxaa fursadahaan looga faad’iidaysan waayey waxay ahayd dadkii hogaaminayay oo aan fahmin fursada lahaystay kana doortay inay dagaalamaan taasoo horistaagtay hanashadii loo baahnaa. Isku soo duuboo waxay arrintu ahay istratijiyo la’aan iyo degdeg…….
Maxaa la gudboon dadka dawlada gacanta ku haya: A) ilaahay uga baqa masaakiinta aad gacanta ku ahaysaan B) Ha degdegina aduunkana nabad kula dhaqma waayo kamaba maarantaan , xag maalgelin, tababar, teknologi i.w.m. c) Doorasho gaarsiiya dadka soomaaliyeed ay soo dooranayaan xaakimkooda ilaa heer tuulo D) Dhisa waxbarshada iyo dhaqaalaha, hadii inaan aqoon la kaashada aqoonyahanada soomaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Dadka culumada sheeganaya ee ka soo horjeeda dawlada waxaa kula talin lahaa ha noqonina kuwa horistaaga shareecada ee noqda kuwo u taagan hagaajinteeda, waayo waxaan qabaa inuu macaaridku muhiim yahay, oo hadii ay wax qaldaan nimanka hawsha haya u sheega kana dooda arrinta la qalday, waxaan filayaa in cumuumi ahaan loo baahan yahay dad naqdiya habka wax loo fulinayo iyo wadada kale ee ka haboon……. waxaan ka dardaarmayaa inay mucaaradkoodu noqdu anigu kursi ma helin, waa inuu mucaaradku u taagnadaa wadada ka haboon ee la mari karo iyo cadaalada hadii la qaldo. Tusaale kale qabso anigu waxaan taageersanahay shareecada in dawladu wax ku maamusho laakiin cadaaladu kuma jirto in SH. Shariif iyo ra’isal wasaare cumar ay SHabeelaha Hoose u magacaabaan gudoomiye gobol, taas xaqeeda waxaa leh dadka reer SHabeelaha Hoose waanan ka soo horjeedaa…. Hadii aan qaladanahay waa la igu qabsan karaa cadaynteedana waan u baahanahay xagga shareecada…
allaa tawfiiqda leh
salah
Diinta iyo dadka is qarxiya February 21, 2009
Posted by maalintii in Diinta.add a comment
Bismilah
maanta oo jimco ahayd ayaa waxaa maankayga ku soo ku kordhay fatwooyinka ku saabsan dadka is qarxiya ayagoo la dagaalamaya cadow, marar badan waxaan aragany in la isku qarxiyey dad aan islaam ahayn marar badana dadka islaamka. Arintan iyo intii ay soo jiitamaysay inay heerkan soo gaadho ugu danbaysna ay culamada islaamka khaasatan kuwo soomaalidu ka hadlaan ayaa ah wax lala yaabo…..
Markii uguhoreysay ee mas’aladan aan la soo qaadnay culumada soomaalida ayaa ahayd 94 tii, (baan u malaynayaa), su’aashii aan Sh. Cumar Faaruuq weydiinay waxa ay diintu ka qabto isqarxinta reer Falastiin ku soo badanaysay, taasoo si waafi ah uga jawaabay. Wuxuu xusay Sheekhu in ay arrintan culumadu isku raacsanayn oo culumada iftootay ay yihiin kuwa reer Falastiin ayagoo cudurdaar ka dhigaya in ay ixsaar ku jiraan oo aynan hub haysan, sidaa darteed ay habka kaliya ee ay ku fal celinkaraan ay tahay inay sidaa yeelaan.
Markii aan su’aasha weydiinaynay Sheekha waxaan ka walwelsanayn in dhaqankan cusub uu ummada islaamka kansar sidiisa ugu faafo, oo uu noqdo hub dagaal ama meel ay dhalinyaradu ka raadiso jid fudud oo ay aduunka isaga khaarjiyaan iyagoo doonaya jannada iyo balanqaadka allah ee dadka ku dhinta in kalimada alle kor loo qaado. Runtii, Sheekhu waa cadeeyey inay arrintan aanay sal ku lahayn diinta, iskaba daaye aad bay uga digtay, laakiin markaas wuxuu ku daray culumada reer Falastiin sababtay saas u sameeyeen. Si kastaba arrintu ha u soo socotee waxay maanta taagan tahay in culumadu aad uga qaylinayso cudurkan faafay oo dabaqabashadiisu ay adagtahay, kaasoo gaaray heer la oran karo waa dhaqan isdil ah…..(is baabi’n ah).
Waxaan jeclayn inay culumadu intaas ka indheer garadsanaato oo arintu markay cusubtahay hadii diinta aynan sal ku alahyn ka hortagaan, si aynan u faafin.. Maanta waxaa baaqan lahaa dhiig badan oo sidaa wax ku qaribay iyo dad badan oo aan waxba galabsan oo ku halaagsamay. Waxay arrintanu taabatay aduunka oo dhan, waxay horistaagtay horumarkii saxwada islaamka iyo nabadii aduunkaba, waxay noqotay mid looga faa’iidaysto hor istaaga faafida islaamka iyo horumarka cadaalada ku aadan in ay ummada islaamku doorato madaxdooda iyo xeerkooda shareecada, lana tartanto asaagooda xagga aqoonta iyo teknolojiga……..
Sida ku cad quraanka iyo sunnasa nabiga calayhi salaam waa khalad in qofku naftiisa khaarijiyo, axaadiista ku soo aroortay aad bay u tira badan yihiin waxaana lag heli karaa kulli kitaabada xadiista sida bukhaari, muslim iyo kuwo kaleba. Ma ahayn mas’alo qiil loo raadin karo ama la jiifiyaana banaan lagu samayn karo, oo waa mas’alo aad u cad. Haddaba waxaa is weydiin leh maxay waqti dheer ugu qaadatay in ay culumadu ka hadlaan oo si xoog leh u radiyaan arrintan? waxaan u malaynayaa jawaabteeda in qof walba baaro……………..
Waxaan jeclaan lahaa in ummada islaamku ay intaas ka indheer garadsanaato oo ay diyaar u ahaato inay difaacaan diinta rabbi sidii allah u soo dajiyeey oo aan la ogolaan inay bidcada la yaraysto sidaasna ku dhaqan gasho, ilaa mar danbe la soo baraarugo oo arrintu adkaato….
wabillahitawfiiq…………..
Sharfida Shiikha iyo Faroole February 15, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: faroole, shareecada, shari'a, Shariif, somalia, somaliplan, somalipolitics
add a comment
Waxaan ka qaybgalay labo xafladood oo lagu kala sharfayey Sheekh Shariif (Xamar) iyo faroole (Puntland). Heesaha, buraanburooyinka, gabayada iyo khudbooyinka taageerada ee ay ka sinaayeen markaad dhaaftid arrinta ay dadka inta indheergaratada ah ka fakarayeen, labada xafladba, waxay ahayd rajada iyo fursada ay ragani haystaan si ay ummadan uga soo baxshaan godka halalaqa badan ee ay ku dhacday.
Rajada iyo fursada labaduba waa arrin guurguurta (relative) hadii aanay fahmin dadka ay qusayso, hadayna fahmina kama faa’iidaysan karaan. Waxaan u malaynayaa dhaqalayahanada (economist) inay dhihi jireen fursad seeg (missing opportunity), haddii shirkadu hesho qof aad u horumarin kara ganacsiga/faa’iidada kasoo milkiilaha/madaxda shirkadu ay shaqada ka cayriyaan ama curyaamiyaan hawshiisa ileen waa ka fikrad duwan yahaye. Markii casharada dhaqaalaha (economi) iigu dambaysay waxaa tusaale loosoo qaadan jiray shirkada NOKIA(FIN) iyo Ericson(SWE). Waxaa la qoray in shirkada Ericson lagula taliyey inay gadato shirkada Nokoia oo markaa bilow ahayd lacag yarna joogtay, laakiin madaxda Ericson baa gacanta ku dhuftay gadashadaas iyo ragii soo jeediyeyba, wixii ka dambeeyey waa la ogaa muddo shan sano ku dhaw bay Nokia ku sigtay inay suuqa ka saarto Ericson. Waxaanan u malaynayaa in qof waliba oo loo sheego uu fahmi karo lacagta seegtay Ericson markaad ka reebto suuqa ciriiriga ku noqday.
Waxaan taas uga gol leeyahay waa xusuusta xun ee ay igu reebtay markaan soo xasuusto fursadaha badan ee ay ummadan soomaliyeed soo martay kan faa’iidaysan weydey. Markaad fiirisid Static ahaan dhicataankii dawladii soomaliyeed maxaa horumar ah oo soomaliya seeagay?. Haddii aan horudhac yar kaa tusaaleeyo tan qabso….. Hadii 10,000 arday dugsiga sare ka bixi jirtay sanadwalba maxay soomaliya seegtay 19 sano. Xisaab fudud waa 190,000 arday waa hadii aadan ku darin intii ay ardadu kordhi lahayeen sanadwalba…
Haddii aan is weydiino xagee technologi, dhakhaatiir, dhaqaale iyo wixii kale oo aad magacawdo ka joogi lahayd soomaliya… waan ka niyadxumaanaynaa su’aalahaas inaan ka jawaabno waxayna soomalidu doorataa inay fadhi ku dagaal iyo qararac ka sheekayso…. waxaan jeclaan lahaa in soomaalidu yeelato dad naqdin kara waxaan ku jiro (critical thinkers).
Aan u soo noqdo sharfida labadaa nin ee aan xafladooda tageye, waxaan ka fakarayey ma waxaa la sharfayaa habka lagu socdo (system) mise waxaa la sharfayey nimanka laftooda oo kaliya amase qorshaha(plan) ay nimankan la imaan doonaan? Hadii la tageero habka maanta lagu socdo oo wax lagu wado waa arin cajiib ah, hadii nimanka la sharfayana waa wax la garan karo hadii waxay qorshaynayaan la tageerayana maba aanan arag qorshe ay soo bandhigeen. U kaadi laba hadal oo kale duwan baan ninamka wax qorshe u dhaw ka maqalay midu waa shariifka oo yiri shareecada ayaan hirgalin, taasoo ilaa hadda hadal taagan habkii loo hirgalin lahaana aan sheegin. Faroole wuxuu yiri soomaaliya way dhaaftay waqtigii dawlad dhexe wax walba maamulaysay oo waa xukunka in la gaarsiiyo in gobaladu doortaan madaxdooda iyo golahooda odayaasha.. Aha hadii ay dhab ka tahay Faroole waxa uu ka hadlayo waxaan ka sugaynaa inuu asagu bilaabo oo doorashada gaarsiiyo gobalada Puntland iyo tuulooyinkeeda. Waa inuu qirtaa habka(system-ka) lagu soo doortay inuunan saxnay ee uu umadan gaarsiin doono qof walba inuu doorashada ka qayb galo(one man one Vote).
Ilaa iyo 1992 baa aqoon yahanada soomaliyeed ka hadlayeen in soomaaliya ay noqoto decentralized Goverment, oo tuulo walba doorato gudigeeda iyo gudoomiyaheeda, C/qaasim(qayaanoole) waa diidey sidoo kale C/lahi yusuf(burburiye) labadubana waa ku qasaareen. Marka bal aan sugno in Shariifka la sharfay iyo Farooleha la caleema saray ay ka dhabeeyaan Rajada ay ummadan ka leedahay in diinteedana lagu dhaqo xukunkoodana doortaan. Fursadana ma ka fii’iidaysan doonaan……………………..
salah ahmed
Cumar C/rashiid iyo waxa sugaya February 14, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: Cumar Cabdirashiid cali sharmarke, soomaaliya
1 comment so far
Marka hore Cumar C/rashiid waxaan leeyahay allah ha kula garabgalo xilka aad doonatay. Marka kale waxaan filayaa xilka aad qaaday waa mid aad culus oo aan aad u jeclaan lahaa inaad ka soo dhalaashid kuna guulaysatid waayo ummadan kama bixi karto dibudhac kale oo cadowgeedu ku farxo. Inkastoo ayadu meesha is dhigtay hadana waxay u baahantahay dad ka samatabixiya dhibka iyo cadowga badan ee ku hareeraysan.
Waana guul ay gaareen dhalinyarada soomaliyeed ee odayaahsu mudada dheer ay hadba meel ula habaabayeen. Haddii adinlka oo laba qof oo gobanimadii ka dib dhashay (post independency) aad xukunka qabateen waa allah mahadi, laakiin waxaa la idiinka tagay ummad diinteedii, dhaqankeedii, aqoonteedii iyo xoogeediiba la haleeyey. waa ummad aynan u fayoobayn meelna xagga caqliga, cimilada iyo cimrigaba (waxay ku dhimataa 47 jir (life expectance), waa cimriga aad hadda jirtaane).
Taas markaan ka gudbo culumadu waa iftiinka diinta ee soo dhaweeya, shareecadana wadanka ku haga, waayo qolo walba sharcigeedu wuxuu ka yimaada dhaqankeeda, annagana dhaqankeenu waa diinta allah. Waxaan qabaa inaan wadanna nagu qasbin inaanan dhaqankeena ku dhaqmin, wixii wada noolaansho ah waan u ogolahay haday na nabad galiyaan. Waxaa muhiim ah inaad la hadashaan dhalinyarada soomaliyeed iyo aqoonyahanada indheergaradka ah si ummadan looga samatabixiyo dagaalo kale oo naafeeya..
Tan iigu dambaysa waa sidii aad ugu diyaarin lahaydeen sidii soomaaliya ilaa heer tuulo loo gaarsiin lahaa maamul ayagu soo doortaan oo aan madaxweyne soo magacaabin (No more central goverment). Waxaan waayo aragnimo u qabnaa qasaaraha uu leeyahay maamul dhexe oo asagu wax walba magacaaba ummadana aan ka talo weydiin qofka ay u rabaan inuu maamulo tuuladaas.. Waa habka ay ka leexan waayeen C/qaasim iyo Cabdulahi Yusuf, garana waayeen jidka cusub ee Soomaaliya ku badbaadi karto inay tahay in magaalo iyo gobol walba doorato barlamaankiisa yarka ah iyo madaxdiisa. Haddii aad tihiin indheergarad waaba la arki doonaaye, waa iniinaan ku fakarin awooda maanta aad leedihiin sidii aad ugu amar kutaaglayn lahaydeen, adinkoo magacaabaya gudoomiyayaal oo kale, ee waa inaad ku fakartaan mustaqbalka dheer jidkii ay ummadan ku dhaqmi lahayd ee ay ku badbaadi lahayd aduun iyo aakhiraba….
Ku dhaqanka Diinta iyo doorashada xorta ah ee ummadu maamulkeeda ku dhisato baa ugu muhiimsan inaad labada sano hirgalisaan…
Anagu waan idin arki doonaa… meeshaad umadan wareertay u dhaqaajisan…
salah ahmed