Casharada Halganka Nolosha Soomaalida July 26, 2011
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.add a comment
Bismilah
49. “Then thereafter will come a year in which people will have abundant rain and in which they will press (wine and oil).”
Tabar Darada Farmaajo iyo Danaystayaasha ku Xeeran February 6, 2011
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.add a comment
Maanta oo ay dadka reer masar ay bilaabeen inay ka gilgishaan kalitalisnimada Mubaarak, ayaa waxaan ka calool xumaaday inay ummadda Soomaaliyeed aynan saasoo kale u kici karin, sababtuna ay tahay degdegtii hore ee ay ragii ka soo horjeeday Maxamed Siyaad (AUN), ay ku degdegeen inay qori kula cararaan dowldnimadii Soomaliyeed. Waxaa la yiraahdaa marxalad waqtigeedii laga hor marmariyey faa’iido malehe’, hadii ummaddan Soomaaliyeed ay u ladnaan lahaayeen sida reer Masar miyeynan maanta boorarka qaateen, ayagoo ku mudaaharaadaya dadka magacooda gadanaya, dadka inay dawlad ahaadaan diidaya, oo la shaqaysta nimanka ka UNDP xukuma oo ah maafiyadii caalamiga ahayd ee calanka UN-ka ku soo gabatay.
Aan u soo noqdee Ra’salwasaare Maxamed Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu talaabo cad ka qaado ragan wasiirada ugu jira ee gatay magacii Soomaalida ee INTERNET-KA. Waa inuu wax ka qabto arintaas haba keento inuu ku seego jagada uu haystee, waxaanan leeayahay jago ninna kuma waaro (Mubaarak waxa haysta arag ) ee yaan meesha magac xumo kaa raacin oo ha noqon mid gadashadii Soomaalida uu ina Farmaajo ku mataansanaado, oo taariikh mugdiya ay kuu aqoonsanaato jiilalka soo socda.
http://undpwatch.blogspot.com/2009/01/us-media-report-on-undp-corruption-in.html
http://hiiraanweyn.com/view.php?id=8434 yaa gatay
Sharfida Farmaajo, Ra’iisal wasaare cusub November 7, 2010
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.add a comment
Waxaa mahad leh alle,
waxaan ka qaybgalay maalin dhaw taageeridda ra’iisal wasaaraha cusub ee dawlada la yiri waa ku meel gaarka ah, taasoo aan is iri war yey ku simaysaa oo ku meelgaarsiinaysaa. intaanan taas u gelin aan horta iraahdo ra’iisal wasaaraha xilka aad qaaday rabbi ha kuu sahlo. Waxaan filayaa xil aduunka ka adag inuunan jirin in aad madax u noqoto dawlad shacab reer baadiye, oo aan dhaqaale lagu hagona lahayn midnimana aan haysan. Waan qodabaynayaaye horta see dhaqaale la’aan aadan horey ugu wadeyn dawlad .
- Dhaqaaluhu sidaan ognahay waa furaha dawladnimada (hadii aaadan haysan midnimo iyo wax garasho ku salaysan in dadkaagu yaqaan halganka nolosha ee horyaal ) Waayo waxaad dadkaaga ku dirqin kartaa nabada adoo abuuraya askar badan iyo boolis badan oo arrimaha nabada xumaynaya wax ka qabta. Qasbidaas dawladaha badankood ee aduunka jira ayaa ku soo dhismay, maantana kuwaas badankood waxay ku taagan yihiin qasab ah in dadku sharciga raacaan oo amaanku sugnaado.
- Dhaqaaluhu wuxuu dhisaa adeega ummadda iyo isku kalsoonindeeda, taas waxaan uga jeedaa hadii dawladu dhaqaale haysato walow dadku faqiir yahay niyadoodu way dagtaa oo ku xasishaa xoogaaga ay haysato. Hadii aadan adeega sida iskoolada, isbitaalada, wadooyinka, maxkamdaha iwm waxba ka qaban karin dhaqaale la’aan suurta gal maaha inaad kalsooni siisid dadkaaga. Marka shacabku waxay ku dadaalayaan siday wax u xadi lahayeen, taasoo keenta in xataa hawlwadeenada dawlada aadan waxba ku aamini karin. Ka soo qaad inaad sarkaal mushaarka askarta garsiiya aad ugu dhiibtay lacagtii, waxaa dhacaya inuu la fakado lacagta oo askartiina baahi iyo dacdaro u baab’ado. Sidoo kale waxaa samaynaya wasiirkii aad xil u dhiibato kaasoo asna wixii ummadda loogu dhiibo la carara oo aan dib loo arag.
Marka xagee ninkii raba inuu wadankaas wax u qabta u ciirsan? dhaqaalaha haddii aadan wax ku qasbi karin maxaa kuu banaan oo aad ummad ku soo noolayn kartaa?
- Waxaan filayaa inaad u ciirsan kartid xagga in ummaddu ogtahay, wajahaysana halganka u yaal oo ah in ay waxay haysatana ku tashato mustaqbalkana ka tashato oo midnimada iyo wadajirka xoogga saarto. Tusaale arrintaas waxaa u ah sidii ummaddaan reer baadiyaha ah oo aan cashuurta bixin ay SYL u dhistay midnimadoodii ilaa ay gaarsiisay inay nafta isu huraan oo ay dhahaan ” hadii ninkaleba dawlad noqon karo (sida yurub) anaguna waan noqon,” walow aynan macnaha qaran fahamsanayn waxay la imaan doonto.
Dad badan oo soomaali ah oo ka soo qayb galay xafladaas ayaa aad ugu faraxsanaa in nin aqoon leh loo doortay inuu xilkaas qabto, lakiin ducada ka dib waxay aad ugu hadaaqayeen Farmaajo inuu karti u yeelan karo kala furfurida xaalada adag ee Soomaalidu marayso. Xaaladaas oo ay sii murjinayaan quwadaha shisheeye ee danaha kale gaarka ah ka keh wadanka Soomaaliya. murugada haysata ummaddan waxaa ka mid ah in la rabo in laga tirtiro jiritaan ahaan maabka aduunka… taasoo aad u soo dhawaanaysa hadii uu Maxamed Farmaajo wax ka qaban waayo soo celinta jiritaanka qaranka.. Maxaa rajo ah oo ka muuqda dawlad ku meel gaar la yiri oo aan la garanayn waxay ku meel gaar u ahayd mudada dheer ayadoon wax ajenda iyo plan ah midna soo bandhigin. Haddii dawlada ku meel gaarku ku dhaqaaqi lahayd inay ummaddan u diyaariso siday u dhisan lahayd dawlad dhexe waxaa la garan lahaa waxay ku meel gaar u tahay, hadiise aanan u jeedin sababta waxaan dhihi karaa waxay ku meelsime u tahay quwadaha raba inay Sooomaaliya qabsadaan ama maabka ka tiraan. waxaana u malyanayaa inay arintu saas tahay maadaama aynan jirin wax targat waqtiyeysan ah oo ay qabanayso lana gaarsiinayo ummaddan. Tusaale haddii ay dawladu ku meelgaaraka qorshayso in muddo sanad ah ay ku dhisto iskoolada ama nabada oo la ogyahay waqtiga targetka ah waa lagula xisaabtami karaa oo hadii ay seegto la dhihi karaa waa maxay waxaad ku meelgaarka u tihiin waakaas oo wixii la idiin diray qaban weyde.
Waxaan kula dardaarmayaa Maxamed Farmaajo
- Yaan lagu baqsana cabdulaahi, ina boy, Shariiftyada iyo raga la mid ahba dhis ciidanka
- Meeshan la sii joogi maayee ha isku dhajin waqtigana ka faa’ideyso oo wax horey u wada Soomaaliya uga tag (Cabdulahi yusufba ka tag wuxuu raadiyaba)
- Ilaali dhulka, badda iyo xornimad Soomaaliyeed
- La tasho indheergaradka aqoonta leh, iska ilaale aqoonlayaasha qaylinaya ee jagooyinka daba carara, raadso indheergaradka.
- u yeer ciidankii gaboobay wax ha tababareene, hana uga baqin itoobaya ma rabto.
- Diinta iyo shareecada hirgali oo cidna ha uga leeaxan
- la imow dhexdhexaadin iyo aduunka oo aad la hadasho in arrinta Soomaalida loo daayo, taasna danta aduunkoo dhan baa ku jirta(falaag badeeda way nawada qusaysaa)
- soo dhis adeegii ummadda iyo wadajirkii..
1 Luulyo iyo Xusuusta Qaran July 2, 2010
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.add a comment
Maalmaha aduunku waxyaabo badan bay ku tusaan ama aad ka aragtaa, maanta oo aan joogno sanadguuraadii ka soo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay calankii ugu horeeyey ee wax Qaran la yiraahdo u taagan, ayaa waxaa xusuus igu reebay meesha aan taaganahay iyo sida xaaladu ka tahay dadka Soomaalida ku abtirsada. Mar waa uurkutaalo marna waa xusuus dhoola cadayn leh, xusuusta dhoola cadyenta lahi waxay igu reebtay markii aan la soo baxay heeso loo qaadi jiray marka loo dabaaldagayo munaasabadan waagaan yaraa, heesahaas oo aan aad u jeclaa waxaa ka mid ah, ” ma go’do candhadii golaa marisee an maalo hasheena maandeeq” waa heestii maandeeq ee allah ha u naxariisto Cabdulaahi Qarshe. Qofkii aanba soo gaarin farxadii iyo raynrayntii maalmahaas dawladnimo ee Soomaalida soo maray ayaanba la ooyi karin xusuuse, waxaan is arkay ayadoo ilmo igu soo istaagtay..
Midda kale waa murugee maxaa Allah Soomaalida la doonay imtixaan, labaatan sano ayey iska daba wareegaysaa oo heli la’dahay madax wax garad ah oo mushtamaca aduunka la tartansiisa ummaddan. Waxaan is weydiiyey miyaan ummaddan wax madaxa oo indheer garad ahi ka dhalan, mise ummaddan ayaa umadaha kale ka dan bi badan oo allah siduu quraanka noogu sheeagay cidii dambigeedu bato waxaa la duleeyaa kuway madax filayeene ma kuwa aan daba joogno baa danbigeena dartii nala habaabay. Maxaa ragii iskoolada iyo isbitaalada burburiyey oo qaxshay wali daba dhigay ummaddan.
Haa wali ma garan kan u roon iyo kan u darane, qaranimana ma fahmine, danbiyo waaweyna waa ku darsatay bal meesha Siilaanyo uu waqooyi galbeed u raro la arkee?. Wuxuu ka burburiyey 23 ka hor iskooladii, isbitaaladii, ganacsigii iyo barwaaqadii ay waqooyi galbeed ku jirtay, asagoo ugu badalay inay qaxaan, ganacsigooda iyo xoolahoodana burburiyey, nabadana kala dagaalay si ay asaga ugu dhintaan oo uu madaxnimo ku gaaro. Waxay ahayd siyaasad guracan oo si fiican loo abaabbulay, waxaana hubaal ah inuu ogaa inay sidaan u dhici doonto oo dad badan oo Soomali ah sidaa ay qorshaysteen ku qudhbixi doonaan. wey fududahay in nin gurilla ah intuu wax qaribo uu nidaamka markaa jira u saaro, dadkuna ay indho la’aan haa ka daba dhahaan ayagoon ka fiirsan cawaaqibka ka danbeeya iyo maxaa ayaga ugu jira danaha is daba boodaya. Barwaaqadii ay jabhaduhu balanqaadeen ama koonfur ha ahaato ama waqooyiye halaag waxaan ahayn oo ummadda Soomaalidu ka dhaxashay ma jiraan. Bal waan sugaynaa in waqooyi galbeed wixii loo balanqaaday oo barwaaqo ah uu ninkanu keeno ragii ka horeeyba ka quustee…..
Fahamka qaranimo ee dadka Soomaalidu wali fari kama qodna oo inay Soomaaliyi noqoto Qaran waxaa ka dhiman waqti badan sida ay dad badan qabaan, maadaama dawladihii horey u soo maray ay isku dayeen inay ummaddan ka dhaadhacshaan qaran wuxuu yahay oo ku tababaraan ayaa waxaa cadaatay in xataa dawladuhu ay ku guuldaraysteen arrintaas inay ka dhaadhacshaan ragii qaranka hayey iskaba daaye dadweynihii. Maxaad adigu ka filaysaa meel ninkii hogaanka hayey uunan ogayn waxa hogaanka uu u hayo micnahooda iyo meesha loo wado midna… Allow Soomaali 20 sano oo kale dawlad la’aan ha ugu darin ee madax ku adeecda anagana noo roon nasii………………
salah
Aan kitaabka kaaga nabad galo! November 1, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: shabaab iyo diinta, shareecada, soomaliya
add a comment
Waxaa maalmahan la hadal hayaa oo dhagaha dadka soomaaliyeed ku batay dhalinyarada loogu yeero Shabaabka.. doodaha badan oo ummada soomaaliyeed ee dibada ku nool iyo waliba kuwa wadanka ku noolba baa siyaabo kala duwan uga haldlay xaalada soomaalida qarankeedu ku sii socdo.. Midda ugu qiimayn fiican waa ninka yiri shabaabku waxay ku guuleysteen inay ummaddan shareecada ka horkeenaan.. hadalada aan maqlay bay ka mid tahay hadaad kitaabka wadatid (aan asaga kaaga nabad galo) oo micnaheedu yahay kitaabkaaga maahee aan amaan kaa helo. Waa hadalo naxdin leh in la maqlo, taasoo ku tusaysa inay ummaddan ka noqotay in kitaabka lagu hogaamiyo. Waa arrin naxdin leh oo soo gabagabaynaysa saxwadii islaamka ee Soomaaliya.
Halgankii loo soo maray mudada dheer in ummaddan la baro sidii ay ilaahay u caabudi lahayaan. Halgankaas dheer ee ummadda soomaliyeed u soo gashay soo celinta iyo soo noolaynta shareecada ayaa hadda waxay u muuqataa mid ay mugdi weyn ku soo aadan tahay. Qarankii Soomaliyeed ee 1990 laga dhigay hal bacaad lagu lisay, ayey hadda u muuqaataa in ayaduna wax rajo ah ka muuqan qaybii diinta ee loo fakan lahaa. Arrinta ugu dhibaato badan waxaa weeye in horseedayaal ka noqdeen dhalinyaradii laga filayey inay hirgaliyaan, waxayna taas la mid tahay tii ciidamada xooga soomaaliya qaar ka mid ah sameeyeen, ee ahayd inay qarankay difaacayeen dumiyaan, oo cadawgeeda u liidaan. Waxaa loo baahan yahay in la ogaado meesha wax halaabeen, xag diin iyo xag qaranba. Inkastoo aan malaynayo inay labada arrimood ay aad u kala duwan yihiin haddana waxaan filayaa inay meeleha qaarkood isaga mid yihiin.
Haddaba taariikh qorayaasha iyo baarayaasha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay hadda wax ka qoraan xaalada ay ku sii socoto ummaddan. Haddii ay noqoto inay sidaas ku qaran weydo oo ka tiranto juqraafiga aduunka iyo haddii ay badbaadaba waa arrin aad u haboon in sida maanta wax dhacayaan wax laga qoro.
salah
Xaalada Soomaalya ee sii madoobaatay June 22, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: Iiraan, shabab, shareecada, somalia, somalipolitics
add a comment
Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya iyi aduunkaba dhacdooyin xiiso leh. Tan aduunka waxaa la xiisaynayey doorashada Iiraan iyo in orange revulation laga samayn karo halkaas… ma suurtoobin lakiin qulquladii ka dhalatay wali waa socataa.. seen u arkaa dadka reer Iiraan ee rabshadaha wad iyo kuwa xukunka hayaba. ok kuwa mudaaharaadaya waxay iila muuqataa intay nidaamka wadankooda sixi lahaayeen inay rabaan inayba burburiyaan…. waxay u adeegayaan waa la garan waayey oo aan ahayn inay Iiraan aduunka ka reebaan oo sida Soomaaliya oo kale noqdaan… Nimaan Alle nicmadiisa ku shukrin iska daada baa alla u diraa, dhalinyarada Iiraana taas bay ku socdaan. Tan dawladoodu waxaan u malaynayaa inay ka gaabiyeen isbadalka dhacaya ee aduunka, waxayna u diyaarin waayeen dhalintii ay wax bareen inay danta wadankooda u adeegaan oo ayna ininkale heeryada u qaadin… waa waxa hadda ka muuqdee..
Arinta Soomaaliadu waa mid ayadu lugaha lasii galaysa mugdi sida looga saaro ay adagtay… dhalinyarada shabaab labxdayna waxay ummadan u keeneen in ummadu ka quusato cadaalad diinteeda ku salaysan oo ay hesho.. Culumadii ciirsiga ugu dambeeyey umadan u ahaa maanta waa laga aamin baxay oo codkoodu ma dhaamo kuwii wadanka dumiyey ee mooryaanta…. Su’aasha soo wajahaday dadka soomaliyeed ee shareecada u halgameyey waa Maxaad dhaantaan kuwii kursiga dartiis dalka u rogay iyo kuwii ka dambeeyey ee kufsaday qarankoodii?” Waxay ku jawaabaan ma hayaan markii ninkii ku doodayey waxaan rabaan ajar aakhiro oo anigu aduunkan darajo marabo laakiin waxaan doonayaa in kalimada Eebe kor noqoto oo diinta loo sinaado laguna dhaqmo uu maanta kursi u dirir yahay. Waxaa kaaga daran maalin ummadan ka liidato ma soo marin, meeshay gargaar iyo dib u dhis ka sugayeen ayey rasaas lagu asqaysiiyey…Eebaa Idiin maqan, shareecada Eebbaa ilaashanaya.
Shabab Onslaugh on Somali people and Sharia May 15, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: diin, dowlad, goverment, shari'a, Shariif, somalia
add a comment
I hope Somali people will survive from alshabab onslaught, this guys are destroying the struggle for sharia and somali dream. May god save Somali children and those week and disoriented government. We support peace and peace be with Somali people. This fitna has origin, as i think, in 1990 when those people rape, kill, dismember and loot Somali muslim and unsuspected minority people. the grieve and horror that Somali women and the weakest in this sociaty live trough will not forgiven by the God easily. So, I think Sh. Shariif has to lead the people to towbah (repentance to god) and has to be public place and from radio too. Only when the people recognize what they did to the fellow human being and repent, will god give them guidance.
will write more on this………….inshaalah
Xaaladii Hore ee Soomaalida Burburtay April 30, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, Dhicidii Soomaaliya, diplomasinimo iyo galbeed, Gargaar ma sadaqaa, taariikh soomaali
add a comment
Waxaa bishan Abriil ee dhamaadka ah ka jira soomaaliya iyo xeebaheeda arimo badan oo lagaga hadlayo jaraa’idka aduunka. Su’aalaha aan wali la is weydiina waxay tahay see Soomaaliya saas ku noqotay, ama ha noqoto xagga budhcad badeeda ama dowlad la’aanta..
su’aalahan ayaa jawaabtooda waxaan jeclahay inaan wax ku fiiqo farta si aan ugu tilmaamo dadka taariikhda soomaaliya fiirin doona … Midda hore waa see Soomaliyi godka ugu dhacday?
Markaan dib u fiiriyey taariikhda yar ee aan anigu goob jooga u ahaa, oo ka soo bilaabaatay waqti aan iskuulka bilaabay anoo todoba jira ilaa hadda oo aan nin garmadow ah ahay ayaa taariikhda Soomaaliyeed wax wayn iska badaleen. waxaan ku soo bilowday waqti dawlad adag oo horumar tiigsanaysay ay haysay wadanka, waxaana ku xigay dagaalkii Ethiobia iyo Soomaaliya ku dhexmaray 1977 ee lagu xoreyn waayey dhulka Soomaali galbeed. waxaana ku xigay dibu socodkii dawladu ka digi jirtay inay madaxa la soo baxaan oo ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu celiyaan dowlad la’aantii gumaysigu ka saaray ilaa hadana la maarayn la’yahay in bal dib dawlad loo dhiso. Mawduucyadaas aan ku ku soo sheeagay mid walba buugiisa ayaan ka qori karaa, laakiin hadda ma rabo inaan guda galo oo aan wax ka tibaaxo arimahaas. Waxaan kaliya oon doonayaa inaan iftiimiyo sida dibloomasiyiin reer galbeed ah waxay dejiyeen uu hadda dib ugu soo laabtay inuu dhibo wadamadii ay matali jireen… tusaale raggii Amerika ee maalgaliyey burburka Soomaaliya way qoslayeen markii Soomaaliya ay afka u dhacday, ayagu ujeeda walba ha ka lahaadeene, waxay maanta oo ah 20 sano ka dib arintu u egtahay in dadkaas aynan marna indheer garad ahayn. Wadankii dirsada dad aan indheer garad ahayna waxa maanta reer galbeedka ka haysta badda Soomaaliya iyo talibanismka ayaa ku filan..
Qisada aan goob jooga u ahaa waxaa aad maskaxdayda ugu aharay markii Soomaaliya ay gashay maalmaha mugdiga ahaa ee dhaqaala darada iyo dibu socodka soo nooleeyey qabyaaladii iyo isku dirkii dadka walaalaha ah dawladii markaa jirtayna meel ay wax ka qabato garan weydey, ayaa nin safiir ah oo markaas Soomaaliya joogay la weydiiyey waxa uu ka yeelayo arrinta Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Soomaliya waxaan kula dhaqmaynaa waxa ay na tusto”… Waxaan maalintaas filayey in ninkaasu dhihi doono Soomaaliya dawladeeda waxaan ku dhiiri gallinaynaa in ay doorasho xor ah ay dadkeeda u horseedo, tixgalisana sharciga iyo xuquuqda aadanaha… Maya, wuxuu la xirtay dibusocodkii iyo kuwii wadanka duminayey, waxaa qaxday kumanaan kun, waxaa dhintay boqolaal kun, waxaa baaba’ay wax alla wixii astaan dawlad ahaa ee Soomaaliya lahayd. Intuu nafta bini’aadamka badbaadin lahaa wuxuu ku raaxaystay islaynteeda, si fiican buu u qoslay markii ciidamadii difaaca soomaaliyeed qaarna la xasuuqay, qaarna qaxay, qaarkii kalana ay qabiiladooda la kala safteen… Hadda ayaan u jeedaa wixii ciidamadaasu qiime ahaan ugu fadhiyeen aduunka, bal Soomaali u kaadiyoo, bal fiirso badweyunta hindiya maxaa ka haysta aduunka.. miyeyna ciidamadaasu istaahilin in burburka laga baajiyo oo dalka Soomaaliyeed la badbaadiyo.. Maya, hawtalhamagnimadu waa dhibaato, kharashka maanta ku kacaya budhcad la dirirka badaas Soomaliya ku xeeran reer galbeedow ka jawaaba, tan kalana ka jawaaba dhibaatada argagixiso oo Soomaliya degta walwalkeeda, inkastoo aan waxweyn wali ahayn laakiin waxbaa ka soo ifbixi kara meeshaas. Warkaygu wuxuu u dhacayaa ragga ay dirsadaan reer galbeedku ee dibloomisiyiinta iyo khuburada isku tilmaama waxaa ka indheer garadsan ardaydii NUS(jamacada ummada Soomalaiyeed). Waxaa arinta Soomaliyeed la mid ah waxa ka dhacaya Afganistaan, falastiin iyo dhamaan wadamada carabta, waxay dadka ka soo baxay kuliyadaha aqoonta diplomaasiyada reer galbeedka kala saari waayeen waxa udana aduunka oo dhan maantaas la joogo iyo waxa u dan ah aduunka mustaqbalka dheer. Wax Scenario badan ay is barbardhigeen waxba ku keeni waaye, taasu waxay ku tusaysaa inaynan waxbadan qiyaasi karin, mustaqbalkan waxaba ka badali karin, arintuna alle gacantiisa ku jirto, xigmadiisuna weyntahay meesha uu marsiinayo asaagaa og dadkaan aduunka ku nool.
Deeqda la siiyo wadamada liita sida Soomaaliya oo kale ma ahan deeq meel cidla ku dhacda ee waa deeq aduunka oo dhan badbaadisa dibna ugu soo laabata ayadoo faa’iido weyn ah kuwii bixiyey. Siyaabo kala duwan ayuu Obama ku tilmaamay deeqdaas markii hore wuxuu yiri waa maalgalin suuqa soo koraya (downpayment for emerging market), mar kalena waxay ilaalisaa danteena sida hadii dawladii Soomaaliya dhuntay uu hadda dhibku uga haysto aduunka arrinta Soomaaliyeed iyo badda ku wareegsan. Asagu wuxuu tusaale u soo qaatay cudurka hargab doofaarka ee maanta taagan iyo sida nolosha mareykan ugu xirantahay tan wadamada kale sidii uunan cudurkaas ugu faafin mareykan oo meeshiisa loogu hakin lahaa… Yes , macro-economy buugta ugu horeysa ayey ku dhigan tahay in deeqda wadamada liita la siiyo aynan ahayn deeq ee ay tahay maalgasasho, u sheeg !!!!!!!!!!!!!!!!
wbilahi tawtiiq
Cumar C/rashiid Ma Haldhacay? April 6, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, cumar c/rashid, indian ocean, kenya iyo somali, xadaynta badaha
add a comment
Sidii aan u jeclaan inaan ka faaloodo dhacdooyinka taariikhiga ah ee soomalidu marayso ayaan maanta jeclahay inaan ka faaloodo, ra’yigaygana ka dhiibto xaalada taagan maalintaas. Hadaba maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo arimo quseeya BADDA SOOMAALIYA iyo tacadiga ka taagan.
Awalbaan wax horey uga qorey arinta burcada badda Soomaaliya oo aan ra’yigayga kaga dhiibtay, maantase waxaa IDHIBAY xadka badda Soomaaliya iyo keenya tasoo warbixin ku aadan arrintaas ay SomaliTalk.com wax ka qortay.. Waxaan leeyahay ninka arrinta soo diyaariyey shaqo wanaagsan baad qabatay, ajar allah ha kaa siiyo, halganka difaaca soomaliya dhanka qalinka meel adag baad kaga jirta.. Ka daali mayno insha allah difaaca dalkeena lagu goobtay, wadan walbana danta gaar ah ee uu ka leeyahay ay keentay inay mar walba ku dadaalaan inaan soomaaliya dawlad u dhalan. Haddii qaar aan ka magacaabo dalalkaas, bal soo qabo Sycheles oo ku dadaalaysa inay joogtayso lacagta ka soo gasha Tunada xeebta soomaaliya ay ka qabsadaan dalalka yurub iyo aasiya oo dhan 9milyan oo doolar. Yeman oo ayadu rabta inay dulaalkaas Sycheles kala wareegto ilaa hadana u suurtoobin, laakiin hlaganka horistaaga soomaliyeed dhinaceeda kaga jirta. Kenya oo ayada lacag badan ka soo kasho jaaliyada Soomaaliya, haddana rabta dhulkii NFD inay ku darsato Bad lagu qiyaasay 38000KMsq, una muuqato in Cumar C/raashiid ay dabinkaas la heshay.
Hadaba mawduucaygu wuxuu ku jeedaa inaan ugu sheego in taariikhda qafna ka dhuuman Karin ayna tahay inuu ka fiirsado heshiisyada lala hor ordayo, siiba wadamada horataagan in Soomaaliya dawlad noqoto, markastana isku dira dadkeeda. Haddaba ummadda Soomaaliyeed uma cuntamayso haddii lagu fuliyo heshiis xaqdaro ah waxayna sii abuuri doontaa cadowtooyo kale oo ku sii kororta midda dhulka NFD ee hadda jirta.
Dan uma aha in Keenya ay sii kororsato cadowtooyadaas, taasi waxay ku qasbi doontaa umadda soomaliyeed inay mustaqbalka soo socda dagaalo u diyaar garowdo.
Ina Cabdirashiid iyo nimanka baarlamaanka isku sheegaya waxaa leenahay walaalyaal taariikhda Soomaliya meel xun ha ka gelina ee sameeya waxyaabahan soo socda.
· In aad hor istaagtaan wax walba oo soomaaliya kala dhantaalaya
· Inaad burisaan heshiiska Cumar C/rashiid la saxiixday Kenya oo aan la ansixin
· In dawladaha idinla hor ordaya heshiisyada aad u sheegtaan in markii dawlad rasmi ah dhisanto la idinla saxiixan doono, oo hadda waxaad saxiixdaan aan waxba ka jirin.
Aniga ima anfacayo heshiiskaas waanan ka dagaalami intaan noolahay
Xisaabtana waa danbeeyaa xaqdarada qofkii horseedaa oo dhulka iyo badda soomaaliya saxiixa\
wabilahi towfiiq,………………salah
Maxay Galabsatay Soomaali March 20, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Diinta, Somali politics and tribulations.Tags: 21 st century and somalia inadian ocean, indian ocean, Power Plays in the Indian Ocean
add a comment
Waxaa maalmahan aduunka wararka ku wareegeayey warar ku saabsan soomaaliya iyo xeebaheeda, waxaadna u malaysaa in xaalada soomaaliya ay ku dhexwareersan tahay aduunyo hardamaysa oo muruqyo isu sheeganaysa iyo qolooyin ayagu saaxada ku qalafsanaatay, labaduna dadka soomaaliyeed aan dan u hayn, waxay saaxada saxaafada aduunka soo saaraan ama ku soo dhextuuraan ayagoon ummadan masaakiinta ah ee gaajada iyo faqriga, jahliga, dagaalka ahliga, cudurada iyo dacdaro aduun oo aad magacawdidba ay haysato aan dantooda iyo baahidooda midna ka talin kana nixin… Haddase waxaa xataa qoolka qaabka daran ku jira soomaalida banaanka joogta..oo ayada xataa tuhunka rag soomaaliya u cararay sumcadooda haleeyaan kana dhigeen target ay dadka xuma doonka ah ay soomaalid ku giiraan ama geeska ku daraan, maxsuulka arrinytan ka dhashay waa in dhalin yaro soomaali ah looga yeero ilaa Senetka mareykanka lana weydiiyo su’aalo ku saabsan dhalintaas iyo waxa la fili karo in ay ka dhashaan. Well dawlada mareykanku xaq bay u leedahay inay difaacdo dadka reer maraykan oo soomalidu ay qayb sharafleh ka yihiin, kana difaacdo qatar kaga imaan karta dhalintan hadii ay wadanka ku soo noqdaan iyo inay ka hortagto in dhalinyaro kale xagjir laga dhigo oo la seejiyo jidkii toosnaa ee diinta islaamku cadaysay.. waxaa xusid mudan inaan kaga hadlay muwduuca xagjirnimada iyo culumada soomaliyeed sida ay hadda ugu baraarugeen inay ka hadlaan, waxaanan filayaa inaynan ahayn mid ama dadka kale cadaadiskiisa loo samaynayo ama la is tusayo laakiin ay tahay in ay tahay waajib diini ah in looga gargaaro dhalinta yaryar jidka qaldan oo aan ku saxnayn diinteena…