1 Luulyo iyo Xusuusta Qaran July 2, 2010
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.trackback
Maalmaha aduunku waxyaabo badan bay ku tusaan ama aad ka aragtaa, maanta oo aan joogno sanadguuraadii ka soo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay calankii ugu horeeyey ee wax Qaran la yiraahdo u taagan, ayaa waxaa xusuus igu reebay meesha aan taaganahay iyo sida xaaladu ka tahay dadka Soomaalida ku abtirsada. Mar waa uurkutaalo marna waa xusuus dhoola cadayn leh, xusuusta dhoola cadyenta lahi waxay igu reebtay markii aan la soo baxay heeso loo qaadi jiray marka loo dabaaldagayo munaasabadan waagaan yaraa, heesahaas oo aan aad u jeclaa waxaa ka mid ah, ” ma go’do candhadii golaa marisee an maalo hasheena maandeeq” waa heestii maandeeq ee allah ha u naxariisto Cabdulaahi Qarshe. Qofkii aanba soo gaarin farxadii iyo raynrayntii maalmahaas dawladnimo ee Soomaalida soo maray ayaanba la ooyi karin xusuuse, waxaan is arkay ayadoo ilmo igu soo istaagtay..
Midda kale waa murugee maxaa Allah Soomaalida la doonay imtixaan, labaatan sano ayey iska daba wareegaysaa oo heli la’dahay madax wax garad ah oo mushtamaca aduunka la tartansiisa ummaddan. Waxaan is weydiiyey miyaan ummaddan wax madaxa oo indheer garad ahi ka dhalan, mise ummaddan ayaa umadaha kale ka dan bi badan oo allah siduu quraanka noogu sheeagay cidii dambigeedu bato waxaa la duleeyaa kuway madax filayeene ma kuwa aan daba joogno baa danbigeena dartii nala habaabay. Maxaa ragii iskoolada iyo isbitaalada burburiyey oo qaxshay wali daba dhigay ummaddan.
Haa wali ma garan kan u roon iyo kan u darane, qaranimana ma fahmine, danbiyo waaweyna waa ku darsatay bal meesha Siilaanyo uu waqooyi galbeed u raro la arkee?. Wuxuu ka burburiyey 23 ka hor iskooladii, isbitaaladii, ganacsigii iyo barwaaqadii ay waqooyi galbeed ku jirtay, asagoo ugu badalay inay qaxaan, ganacsigooda iyo xoolahoodana burburiyey, nabadana kala dagaalay si ay asaga ugu dhintaan oo uu madaxnimo ku gaaro. Waxay ahayd siyaasad guracan oo si fiican loo abaabbulay, waxaana hubaal ah inuu ogaa inay sidaan u dhici doonto oo dad badan oo Soomali ah sidaa ay qorshaysteen ku qudhbixi doonaan. wey fududahay in nin gurilla ah intuu wax qaribo uu nidaamka markaa jira u saaro, dadkuna ay indho la’aan haa ka daba dhahaan ayagoon ka fiirsan cawaaqibka ka danbeeya iyo maxaa ayaga ugu jira danaha is daba boodaya. Barwaaqadii ay jabhaduhu balanqaadeen ama koonfur ha ahaato ama waqooyiye halaag waxaan ahayn oo ummadda Soomaalidu ka dhaxashay ma jiraan. Bal waan sugaynaa in waqooyi galbeed wixii loo balanqaaday oo barwaaqo ah uu ninkanu keeno ragii ka horeeyba ka quustee…..
Fahamka qaranimo ee dadka Soomaalidu wali fari kama qodna oo inay Soomaaliyi noqoto Qaran waxaa ka dhiman waqti badan sida ay dad badan qabaan, maadaama dawladihii horey u soo maray ay isku dayeen inay ummaddan ka dhaadhacshaan qaran wuxuu yahay oo ku tababaraan ayaa waxaa cadaatay in xataa dawladuhu ay ku guuldaraysteen arrintaas inay ka dhaadhacshaan ragii qaranka hayey iskaba daaye dadweynihii. Maxaad adigu ka filaysaa meel ninkii hogaanka hayey uunan ogayn waxa hogaanka uu u hayo micnahooda iyo meesha loo wado midna… Allow Soomaali 20 sano oo kale dawlad la’aan ha ugu darin ee madax ku adeecda anagana noo roon nasii………………
salah
Comments»
No comments yet — be the first.