jump to navigation

Sharfida Farmaajo, Ra’iisal wasaare cusub November 7, 2010

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
trackback

Waxaa mahad leh alle,

waxaan ka qaybgalay maalin dhaw taageeridda ra’iisal wasaaraha cusub ee dawlada la yiri waa ku meel gaarka ah, taasoo aan is iri war yey ku simaysaa oo ku meelgaarsiinaysaa. intaanan taas u gelin aan horta iraahdo ra’iisal wasaaraha xilka aad qaaday rabbi ha kuu sahlo. Waxaan filayaa xil aduunka ka adag inuunan jirin in aad madax u noqoto dawlad shacab reer baadiye, oo aan dhaqaale lagu hagona lahayn midnimana aan haysan. Waan qodabaynayaaye horta see dhaqaale la’aan aadan horey ugu wadeyn dawlad .

  • Dhaqaaluhu sidaan ognahay waa furaha dawladnimada (hadii aaadan haysan midnimo iyo wax garasho ku salaysan in dadkaagu yaqaan halganka nolosha ee horyaal ) Waayo waxaad dadkaaga ku dirqin kartaa nabada adoo abuuraya askar badan iyo boolis badan oo arrimaha nabada xumaynaya wax ka qabta. Qasbidaas dawladaha badankood ee aduunka jira ayaa ku soo dhismay, maantana kuwaas badankood waxay ku taagan yihiin qasab ah in dadku sharciga raacaan oo amaanku sugnaado.
  • Dhaqaaluhu wuxuu dhisaa adeega ummadda iyo isku kalsoonindeeda, taas waxaan uga jeedaa hadii dawladu dhaqaale haysato walow dadku faqiir yahay niyadoodu way dagtaa oo ku xasishaa xoogaaga ay haysato. Hadii aadan adeega sida iskoolada, isbitaalada, wadooyinka,  maxkamdaha iwm waxba ka qaban karin dhaqaale la’aan suurta gal maaha inaad kalsooni siisid dadkaaga. Marka shacabku waxay ku dadaalayaan siday wax u xadi lahayeen, taasoo keenta in xataa hawlwadeenada dawlada aadan waxba ku aamini karin. Ka soo qaad inaad sarkaal mushaarka askarta garsiiya aad ugu dhiibtay lacagtii, waxaa dhacaya inuu la fakado lacagta oo askartiina baahi iyo dacdaro u baab’ado. Sidoo kale waxaa samaynaya wasiirkii aad xil u dhiibato kaasoo asna wixii ummadda loogu dhiibo la carara oo aan dib loo arag.

Marka xagee ninkii raba inuu wadankaas wax u qabta u ciirsan? dhaqaalaha haddii aadan wax ku qasbi karin maxaa kuu banaan oo aad ummad ku soo noolayn kartaa?

  • Waxaan filayaa inaad u ciirsan kartid xagga in ummaddu ogtahay, wajahaysana halganka u yaal oo ah in ay waxay haysatana ku tashato mustaqbalkana ka tashato oo midnimada iyo wadajirka xoogga saarto. Tusaale arrintaas waxaa u ah sidii ummaddaan reer baadiyaha ah oo aan cashuurta bixin ay SYL u dhistay midnimadoodii ilaa ay gaarsiisay inay nafta isu huraan oo ay dhahaan ” hadii ninkaleba dawlad noqon karo (sida yurub) anaguna waan noqon,” walow aynan macnaha qaran fahamsanayn waxay la imaan doonto.

Dad badan oo soomaali ah oo ka soo qayb galay xafladaas ayaa aad ugu faraxsanaa in nin aqoon leh loo doortay inuu xilkaas qabto, lakiin ducada ka dib waxay aad ugu hadaaqayeen Farmaajo inuu karti u yeelan karo kala furfurida xaalada adag ee Soomaalidu marayso. Xaaladaas oo ay sii murjinayaan quwadaha shisheeye ee danaha kale gaarka ah ka keh wadanka Soomaaliya. murugada haysata ummaddan waxaa ka mid ah in la rabo in laga tirtiro jiritaan ahaan maabka aduunka… taasoo aad u soo dhawaanaysa hadii uu Maxamed Farmaajo wax ka qaban waayo soo celinta jiritaanka qaranka.. Maxaa rajo ah oo ka muuqda dawlad ku meel gaar la yiri oo aan la garanayn waxay ku meel gaar u ahayd mudada dheer ayadoon wax ajenda iyo plan ah midna soo bandhigin. Haddii dawlada ku meel gaarku ku dhaqaaqi lahayd inay ummaddan u diyaariso siday u dhisan lahayd dawlad dhexe waxaa la garan lahaa waxay ku meel gaar u tahay, hadiise aanan u jeedin sababta waxaan dhihi karaa waxay ku meelsime u tahay quwadaha raba inay Sooomaaliya qabsadaan ama maabka ka tiraan. waxaana u malyanayaa inay arintu saas tahay maadaama aynan jirin wax targat waqtiyeysan ah oo ay qabanayso lana gaarsiinayo ummaddan. Tusaale haddii ay dawladu ku meelgaaraka qorshayso in muddo sanad ah ay ku dhisto iskoolada ama nabada oo la ogyahay waqtiga targetka ah waa lagula xisaabtami karaa oo hadii ay seegto la dhihi karaa waa maxay waxaad ku meelgaarka u tihiin waakaas oo wixii la idiin diray qaban weyde.

Waxaan kula dardaarmayaa Maxamed Farmaajo

  • Yaan lagu baqsana cabdulaahi, ina boy, Shariiftyada iyo raga la mid ahba dhis ciidanka
  • Meeshan la sii joogi maayee ha isku dhajin waqtigana ka faa’ideyso oo wax horey u wada Soomaaliya uga tag (Cabdulahi yusufba ka tag wuxuu raadiyaba)
  • Ilaali dhulka, badda iyo xornimad Soomaaliyeed
  • La tasho indheergaradka aqoonta leh, iska ilaale aqoonlayaasha qaylinaya ee jagooyinka daba carara, raadso indheergaradka.
  • u yeer ciidankii gaboobay wax  ha tababareene, hana uga baqin itoobaya ma rabto.
  • Diinta iyo shareecada hirgali oo cidna ha uga leeaxan
  • la imow dhexdhexaadin iyo aduunka oo aad la hadasho in arrinta Soomaalida loo daayo, taasna danta aduunkoo dhan baa ku jirta(falaag badeeda way nawada qusaysaa)
  • soo dhis adeegii ummadda iyo wadajirkii..

Soo dhaweyntii Sh. Shariif .

Comments»

No comments yet — be the first.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.