Tabar Darada Farmaajo iyo Danaystayaasha ku Xeeran February 6, 2011
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.trackback
Maanta oo ay dadka reer masar ay bilaabeen inay ka gilgishaan kalitalisnimada Mubaarak, ayaa waxaan ka calool xumaaday inay ummadda Soomaaliyeed aynan saasoo kale u kici karin, sababtuna ay tahay degdegtii hore ee ay ragii ka soo horjeeday Maxamed Siyaad (AUN), ay ku degdegeen inay qori kula cararaan dowldnimadii Soomaliyeed. Â Waxaa la yiraahdaa marxalad waqtigeedii laga hor marmariyey faa’iido malehe’, hadii ummaddan Soomaaliyeed ay u ladnaan lahaayeen sida reer Masar miyeynan maanta boorarka qaateen, ayagoo ku mudaaharaadaya dadka magacooda gadanaya, dadka inay dawlad ahaadaan diidaya, oo la shaqaysta nimanka ka UNDP xukuma oo ah maafiyadii caalamiga ahayd ee calanka UN-ka ku soo gabatay.
Aan u soo noqdee Ra’salwasaare Maxamed Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu talaabo cad ka qaado ragan wasiirada ugu jira ee gatay magacii Soomaalida ee INTERNET-KA. Waa inuu wax ka qabto arintaas haba keento inuu ku seego jagada uu haystee, waxaanan leeayahay jago ninna kuma waaro (Mubaarak waxa haysta arag ) ee yaan meesha magac xumo kaa raacin oo ha noqon mid gadashadii Soomaalida uu ina Farmaajo ku mataansanaado, oo taariikh mugdiya ay kuu aqoonsanaato jiilalka soo socda.
http://undpwatch.blogspot.com/2009/01/us-media-report-on-undp-corruption-in.html
http://hiiraanweyn.com/view.php?id=8434 yaa gatay
Comments»
No comments yet — be the first.