jump to navigation

Casharada Halganka Nolosha Soomaalida July 26, 2011

Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
trackback

Bismilah

Soomaaliya waxay waligeed mari jirtay abaar iyo barwaaqaba, marka la yaab malaha in abaaraha aad loo maqlo, laakiin waxaa walwel leh xaalada maanta Soomaaliya oo aan dawlad lahayn iyo dhibaatada ku habsatay. 60-kii sano ee la soo dhaafay Soomaalidu waxay barteen in wax la yiraahdo dawlad ay qiimo leedahay, oo hawlaha ay ka barteen waxaa ka mida ahaa adeegyada ijtimaaciga (dadweynaha) ama Citizen’s service loo yaqaano afka ingiriiska, hawlahaas waxaa ka mid ahaa badbaadinta ummadda waqtiga dhibaatooyinka dabiiciga dhacaan, sida abaarta hadda jirta ama marka daadadku qaadaan dadka iyo duunyadaba. Haddaba hadaan dib isu weydiino wixii ka horeeyey xornimadii Jamhuuriyada Soomaaliya, sidee Soomaaliyi uga badabaadi jirtay dhibaatooyinka dabiiciga ee dhici jiray?  ma dadweynaha aduunka ayaa wax la soo gaari jirey sida hadda mise sidaas bay ku bas beeli jireen dad iyo duunyaba? Dadka ka badbaadana maxaa caashar u ahaan jiray?
waxaan u malaynayaa in su’aalahaas ay toosh ku ifin karaan soo jiritaankii ummaddan Soomaaliyeed ee dhulka geeska Afrika. Waxaana lagu qiyaasay inay dhulkaas ku noolaayeen Soomaalidu muddo ku dhaw 3000 oo sano. Hadaba inta aniga nolashayda ku siman waxaa Soomaalida soo maray abaaro waaweyn oo kala reebay dad iyo duunyaba, galaaftayna dabiicadii iyo dhirtii ka bixi jirtay dhulkaas, kuwaas waxaa ugu weynaa abaartii dabadheer, marka laga reebo tan hadda socota, kuwo aan magac loo yeerina waa jirtaa oo aan goobjoog u soo ahaa. Waalidkay waxay goobjoog u ahaayeen abaartii Baastaaley iyo kuwo kale oo badan oo aanan hadda xusuusan. Haddaba maxaa cashar u ah oo ummadaan kaga gaashaamatay si ay uga badbaado masiibaooyinkan oo kale? Waxaa iiga muuqata waxba.
Economics 101.1
Waa quraanka ilaahay, hadii aynan kitaabka Eebbe garabmari lahayna waa horey cashar qaadan lahayd, xasuuso suuratu Yuusuf waa “food Security”, markii riyada loo keenay nabi yuusuf (cs), todobada sano oo barwaaqo iyo todoba sano oo abaar ah oo daba joogta tii hore micnaheedu waa in bakhaarada la buuxiyo, taasoo dhacday in xataa dawladu faraha la gasho cunto qaybinta (rationing ) . Haddaba ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in si wadajir ah Allah ugu toobad keenaan, una soo jeestaan inay ka faa’iidaystaan cilmiga ilaahay kitaabka dhexdhigay, kaasoo ummadaha aduunka ku dhaqan oo dhan maanta qaateen, taasi waa tixgalinta danta guud (dawladnimada iyo wadjirka) iyo ku dhaqanka cilmiga.
Waa hadal kooban hadii aadan Soomaaliga akhrin karin, waan ka xumahay,  here is the ayah i’m taking about46. (He said): “O Yusuf (Joseph), the man of truth! Explain to us (the dream) of seven fat cows whom seven lean ones were devouring, and of seven green ears of corn, and (seven) others dry, that I may return to the people, and that they may know.”47. [(Yusuf (Joseph)] said: “For seven consecutive years, you shall sow as usual and that (the harvest) which you reap you shall leave in ears, (all) – except a little of it which you may eat.48. “Then will come after that, seven hard (years), which will devour what you have laid by in advance for them, (all) except a little of that which you have guarded (stored).

49. “Then thereafter will come a year in which people will have abundant rain and in which they will press (wine and oil).”

Comments»

No comments yet — be the first.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.