Maxay Galabsatay Soomaali March 20, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Diinta, Somali politics and tribulations.Tags: 21 st century and somalia inadian ocean, indian ocean, Power Plays in the Indian Ocean
add a comment
Waxaa maalmahan aduunka wararka ku wareegeayey warar ku saabsan soomaaliya iyo xeebaheeda, waxaadna u malaysaa in xaalada soomaaliya ay ku dhexwareersan tahay aduunyo hardamaysa oo muruqyo isu sheeganaysa iyo qolooyin ayagu saaxada ku qalafsanaatay, labaduna dadka soomaaliyeed aan dan u hayn, waxay saaxada saxaafada aduunka soo saaraan ama ku soo dhextuuraan ayagoon ummadan masaakiinta ah ee gaajada iyo faqriga, jahliga, dagaalka ahliga, cudurada iyo dacdaro aduun oo aad magacawdidba ay haysato aan dantooda iyo baahidooda midna ka talin kana nixin… Haddase waxaa xataa qoolka qaabka daran ku jira soomaalida banaanka joogta..oo ayada xataa tuhunka rag soomaaliya u cararay sumcadooda haleeyaan kana dhigeen target ay dadka xuma doonka ah ay soomaalid ku giiraan ama geeska ku daraan, maxsuulka arrinytan ka dhashay waa in dhalin yaro soomaali ah looga yeero ilaa Senetka mareykanka lana weydiiyo su’aalo ku saabsan dhalintaas iyo waxa la fili karo in ay ka dhashaan. Well dawlada mareykanku xaq bay u leedahay inay difaacdo dadka reer maraykan oo soomalidu ay qayb sharafleh ka yihiin, kana difaacdo qatar kaga imaan karta dhalintan hadii ay wadanka ku soo noqdaan iyo inay ka hortagto in dhalinyaro kale xagjir laga dhigo oo la seejiyo jidkii toosnaa ee diinta islaamku cadaysay.. waxaa xusid mudan inaan kaga hadlay muwduuca xagjirnimada iyo culumada soomaliyeed sida ay hadda ugu baraarugeen inay ka hadlaan, waxaanan filayaa inaynan ahayn mid ama dadka kale cadaadiskiisa loo samaynayo ama la is tusayo laakiin ay tahay in ay tahay waajib diini ah in looga gargaaro dhalinta yaryar jidka qaldan oo aan ku saxnayn diinteena…