jump to navigation

Xaaladii Hore ee Soomaalida Burburtay April 30, 2009

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
Tags: , , , ,
add a comment

Waxaa bishan Abriil ee dhamaadka ah ka jira soomaaliya iyo xeebaheeda arimo badan oo lagaga hadlayo jaraa’idka aduunka. Su’aalaha aan wali la is weydiina waxay tahay see Soomaaliya saas ku noqotay, ama ha noqoto xagga budhcad badeeda ama dowlad la’aanta..

su’aalahan ayaa jawaabtooda waxaan jeclahay inaan wax ku fiiqo farta si aan ugu tilmaamo dadka taariikhda soomaaliya fiirin doona … Midda hore waa see Soomaliyi godka ugu dhacday?

Markaan dib u fiiriyey taariikhda yar ee aan anigu goob jooga u ahaa, oo ka soo bilaabaatay waqti aan iskuulka bilaabay anoo todoba jira ilaa hadda oo aan nin garmadow ah ahay ayaa taariikhda Soomaaliyeed wax wayn iska badaleen. waxaan ku soo bilowday waqti dawlad adag oo horumar tiigsanaysay ay haysay wadanka, waxaana ku xigay dagaalkii Ethiobia iyo Soomaaliya ku dhexmaray 1977 ee lagu xoreyn waayey dhulka Soomaali galbeed. waxaana ku xigay dibu socodkii dawladu ka digi jirtay inay madaxa la soo baxaan oo ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu celiyaan dowlad la’aantii gumaysigu ka saaray ilaa hadana la maarayn la’yahay in bal dib dawlad loo dhiso. Mawduucyadaas aan ku ku soo sheeagay mid walba buugiisa ayaan ka qori karaa, laakiin hadda ma rabo inaan guda galo oo aan wax ka tibaaxo arimahaas. Waxaan kaliya oon doonayaa inaan iftiimiyo sida dibloomasiyiin reer galbeed ah waxay dejiyeen uu hadda dib ugu soo laabtay inuu dhibo wadamadii ay matali jireen… tusaale raggii Amerika ee maalgaliyey burburka Soomaaliya way qoslayeen markii Soomaaliya ay afka u dhacday, ayagu ujeeda walba ha ka lahaadeene, waxay maanta oo ah 20 sano ka dib arintu u egtahay in dadkaas aynan marna indheer garad ahayn. Wadankii dirsada dad aan indheer garad ahayna waxa maanta reer galbeedka ka haysta badda Soomaaliya iyo talibanismka ayaa ku filan..

Qisada aan goob jooga u ahaa waxaa aad maskaxdayda ugu aharay markii Soomaaliya ay gashay maalmaha mugdiga ahaa ee dhaqaala darada iyo dibu socodka soo nooleeyey qabyaaladii iyo isku dirkii dadka walaalaha ah dawladii markaa jirtayna meel ay wax ka qabato garan weydey, ayaa nin safiir ah oo markaas Soomaaliya joogay la weydiiyey waxa uu ka yeelayo arrinta Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Soomaliya waxaan kula dhaqmaynaa waxa ay na tusto”… Waxaan maalintaas filayey in ninkaasu dhihi doono Soomaaliya dawladeeda waxaan ku dhiiri gallinaynaa in ay doorasho xor ah ay dadkeeda u horseedo, tixgalisana sharciga iyo xuquuqda aadanaha… Maya, wuxuu la xirtay dibusocodkii iyo kuwii wadanka duminayey, waxaa qaxday kumanaan kun, waxaa dhintay boqolaal kun, waxaa baaba’ay wax alla wixii astaan dawlad ahaa ee Soomaaliya lahayd. Intuu nafta bini’aadamka badbaadin lahaa wuxuu ku raaxaystay islaynteeda, si fiican buu u qoslay markii ciidamadii difaaca soomaaliyeed qaarna la xasuuqay, qaarna qaxay, qaarkii kalana ay qabiiladooda la kala safteen… Hadda ayaan u jeedaa wixii ciidamadaasu qiime ahaan ugu fadhiyeen aduunka, bal Soomaali u kaadiyoo, bal fiirso badweyunta hindiya maxaa ka haysta aduunka.. miyeyna ciidamadaasu istaahilin in burburka laga baajiyo oo dalka Soomaaliyeed la badbaadiyo.. Maya, hawtalhamagnimadu waa dhibaato, kharashka maanta ku kacaya budhcad la dirirka badaas Soomaliya ku xeeran reer galbeedow ka jawaaba, tan kalana ka jawaaba dhibaatada argagixiso oo Soomaliya degta walwalkeeda, inkastoo aan waxweyn wali ahayn laakiin waxbaa ka soo ifbixi kara meeshaas. Warkaygu wuxuu u dhacayaa ragga ay dirsadaan reer galbeedku ee dibloomisiyiinta iyo khuburada isku tilmaama waxaa ka indheer garadsan ardaydii NUS(jamacada ummada Soomalaiyeed). Waxaa arinta Soomaliyeed la mid ah waxa ka dhacaya Afganistaan, falastiin iyo dhamaan wadamada carabta, waxay dadka ka soo baxay kuliyadaha aqoonta diplomaasiyada reer galbeedka kala saari waayeen waxa udana aduunka oo dhan maantaas la joogo iyo waxa u dan ah aduunka mustaqbalka dheer. Wax Scenario badan ay is barbardhigeen waxba ku keeni waaye, taasu waxay ku tusaysaa inaynan waxbadan qiyaasi karin, mustaqbalkan waxaba ka badali karin, arintuna alle gacantiisa ku jirto, xigmadiisuna weyntahay meesha uu marsiinayo asaagaa og dadkaan aduunka ku nool.

Deeqda la siiyo wadamada liita sida Soomaaliya oo kale ma ahan deeq meel cidla ku dhacda ee waa deeq aduunka oo dhan badbaadisa dibna ugu soo laabata ayadoo faa’iido weyn ah kuwii bixiyey. Siyaabo kala duwan ayuu Obama ku tilmaamay deeqdaas markii hore wuxuu yiri waa maalgalin suuqa soo koraya (downpayment for emerging market), mar kalena waxay ilaalisaa danteena sida hadii dawladii Soomaaliya dhuntay uu hadda dhibku uga haysto aduunka arrinta Soomaaliyeed iyo badda ku wareegsan. Asagu wuxuu tusaale u soo qaatay cudurka hargab doofaarka ee maanta taagan iyo sida nolosha mareykan ugu xirantahay tan wadamada kale sidii uunan cudurkaas ugu faafin mareykan oo meeshiisa loogu hakin lahaa… Yes , macro-economy buugta ugu horeysa ayey ku dhigan tahay in deeqda wadamada liita la siiyo aynan ahayn deeq ee ay tahay maalgasasho, u sheeg !!!!!!!!!!!!!!!!

wbilahi tawtiiq

Cumar C/rashiid Ma Haldhacay? April 6, 2009

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
Tags: , , , ,
add a comment

Sidii aan u jeclaan inaan ka faaloodo dhacdooyinka taariikhiga ah ee soomalidu marayso ayaan maanta jeclahay inaan ka faaloodo, ra’yigaygana ka dhiibto xaalada taagan maalintaas. Hadaba maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo arimo quseeya BADDA SOOMAALIYA iyo tacadiga ka taagan.

 

Awalbaan wax horey uga qorey arinta burcada badda Soomaaliya oo aan ra’yigayga kaga dhiibtay, maantase waxaa IDHIBAY xadka badda Soomaaliya iyo keenya tasoo warbixin ku aadan arrintaas ay SomaliTalk.com wax ka qortay.. Waxaan leeyahay ninka arrinta soo diyaariyey shaqo wanaagsan baad qabatay, ajar allah ha kaa siiyo, halganka difaaca soomaliya dhanka qalinka meel adag baad kaga jirta.. Ka daali mayno insha allah difaaca dalkeena lagu goobtay, wadan walbana danta gaar ah ee uu ka leeyahay ay keentay inay mar walba ku dadaalaan inaan soomaaliya dawlad u dhalan. Haddii qaar aan ka magacaabo dalalkaas, bal soo qabo Sycheles  oo ku dadaalaysa inay joogtayso lacagta ka soo gasha Tunada xeebta soomaaliya ay ka qabsadaan dalalka yurub iyo aasiya oo dhan 9milyan oo doolar. Yeman oo ayadu rabta inay dulaalkaas Sycheles kala wareegto ilaa hadana u suurtoobin, laakiin hlaganka horistaaga soomaliyeed dhinaceeda kaga jirta. Kenya oo ayada lacag badan ka soo kasho jaaliyada Soomaaliya, haddana rabta dhulkii NFD inay ku darsato Bad lagu qiyaasay 38000KMsq, una muuqato in Cumar C/raashiid ay dabinkaas la heshay.

 

Hadaba mawduucaygu wuxuu  ku jeedaa inaan ugu sheego in taariikhda qafna ka dhuuman Karin ayna tahay inuu ka fiirsado heshiisyada lala hor ordayo, siiba wadamada horataagan in Soomaaliya dawlad noqoto, markastana isku dira dadkeeda. Haddaba ummadda Soomaaliyeed uma cuntamayso haddii lagu fuliyo heshiis xaqdaro ah waxayna sii abuuri doontaa cadowtooyo kale oo ku sii kororta midda dhulka NFD ee hadda jirta.

Dan uma aha in Keenya ay sii kororsato cadowtooyadaas, taasi waxay ku qasbi doontaa umadda soomaliyeed inay mustaqbalka soo socda dagaalo u diyaar garowdo.

Ina Cabdirashiid iyo nimanka baarlamaanka isku sheegaya waxaa leenahay walaalyaal taariikhda Soomaliya meel xun ha ka gelina ee sameeya waxyaabahan soo socda.

 

·        In aad hor istaagtaan wax walba oo soomaaliya kala dhantaalaya

·        Inaad burisaan heshiiska Cumar C/rashiid la saxiixday Kenya oo aan la ansixin

·        In dawladaha idinla hor ordaya heshiisyada aad u sheegtaan in markii dawlad rasmi ah dhisanto la idinla saxiixan doono, oo hadda waxaad saxiixdaan aan waxba ka jirin.

 

Aniga ima anfacayo heshiiskaas waanan ka dagaalami intaan noolahay

Xisaabtana waa danbeeyaa xaqdarada qofkii horseedaa oo dhulka iyo badda soomaaliya saxiixa\

 

wabilahi towfiiq,………………salah

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.