Xaaladii Hore ee Soomaalida Burburtay April 30, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, Dhicidii Soomaaliya, diplomasinimo iyo galbeed, Gargaar ma sadaqaa, taariikh soomaali
add a comment
Waxaa bishan Abriil ee dhamaadka ah ka jira soomaaliya iyo xeebaheeda arimo badan oo lagaga hadlayo jaraa’idka aduunka. Su’aalaha aan wali la is weydiina waxay tahay see Soomaaliya saas ku noqotay, ama ha noqoto xagga budhcad badeeda ama dowlad la’aanta..
su’aalahan ayaa jawaabtooda waxaan jeclahay inaan wax ku fiiqo farta si aan ugu tilmaamo dadka taariikhda soomaaliya fiirin doona … Midda hore waa see Soomaliyi godka ugu dhacday?
Markaan dib u fiiriyey taariikhda yar ee aan anigu goob jooga u ahaa, oo ka soo bilaabaatay waqti aan iskuulka bilaabay anoo todoba jira ilaa hadda oo aan nin garmadow ah ahay ayaa taariikhda Soomaaliyeed wax wayn iska badaleen. waxaan ku soo bilowday waqti dawlad adag oo horumar tiigsanaysay ay haysay wadanka, waxaana ku xigay dagaalkii Ethiobia iyo Soomaaliya ku dhexmaray 1977 ee lagu xoreyn waayey dhulka Soomaali galbeed. waxaana ku xigay dibu socodkii dawladu ka digi jirtay inay madaxa la soo baxaan oo ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu celiyaan dowlad la’aantii gumaysigu ka saaray ilaa hadana la maarayn la’yahay in bal dib dawlad loo dhiso. Mawduucyadaas aan ku ku soo sheeagay mid walba buugiisa ayaan ka qori karaa, laakiin hadda ma rabo inaan guda galo oo aan wax ka tibaaxo arimahaas. Waxaan kaliya oon doonayaa inaan iftiimiyo sida dibloomasiyiin reer galbeed ah waxay dejiyeen uu hadda dib ugu soo laabtay inuu dhibo wadamadii ay matali jireen… tusaale raggii Amerika ee maalgaliyey burburka Soomaaliya way qoslayeen markii Soomaaliya ay afka u dhacday, ayagu ujeeda walba ha ka lahaadeene, waxay maanta oo ah 20 sano ka dib arintu u egtahay in dadkaas aynan marna indheer garad ahayn. Wadankii dirsada dad aan indheer garad ahayna waxa maanta reer galbeedka ka haysta badda Soomaaliya iyo talibanismka ayaa ku filan..
Qisada aan goob jooga u ahaa waxaa aad maskaxdayda ugu aharay markii Soomaaliya ay gashay maalmaha mugdiga ahaa ee dhaqaala darada iyo dibu socodka soo nooleeyey qabyaaladii iyo isku dirkii dadka walaalaha ah dawladii markaa jirtayna meel ay wax ka qabato garan weydey, ayaa nin safiir ah oo markaas Soomaaliya joogay la weydiiyey waxa uu ka yeelayo arrinta Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Soomaliya waxaan kula dhaqmaynaa waxa ay na tusto”… Waxaan maalintaas filayey in ninkaasu dhihi doono Soomaaliya dawladeeda waxaan ku dhiiri gallinaynaa in ay doorasho xor ah ay dadkeeda u horseedo, tixgalisana sharciga iyo xuquuqda aadanaha… Maya, wuxuu la xirtay dibusocodkii iyo kuwii wadanka duminayey, waxaa qaxday kumanaan kun, waxaa dhintay boqolaal kun, waxaa baaba’ay wax alla wixii astaan dawlad ahaa ee Soomaaliya lahayd. Intuu nafta bini’aadamka badbaadin lahaa wuxuu ku raaxaystay islaynteeda, si fiican buu u qoslay markii ciidamadii difaaca soomaaliyeed qaarna la xasuuqay, qaarna qaxay, qaarkii kalana ay qabiiladooda la kala safteen… Hadda ayaan u jeedaa wixii ciidamadaasu qiime ahaan ugu fadhiyeen aduunka, bal Soomaali u kaadiyoo, bal fiirso badweyunta hindiya maxaa ka haysta aduunka.. miyeyna ciidamadaasu istaahilin in burburka laga baajiyo oo dalka Soomaaliyeed la badbaadiyo.. Maya, hawtalhamagnimadu waa dhibaato, kharashka maanta ku kacaya budhcad la dirirka badaas Soomaliya ku xeeran reer galbeedow ka jawaaba, tan kalana ka jawaaba dhibaatada argagixiso oo Soomaliya degta walwalkeeda, inkastoo aan waxweyn wali ahayn laakiin waxbaa ka soo ifbixi kara meeshaas. Warkaygu wuxuu u dhacayaa ragga ay dirsadaan reer galbeedku ee dibloomisiyiinta iyo khuburada isku tilmaama waxaa ka indheer garadsan ardaydii NUS(jamacada ummada Soomalaiyeed). Waxaa arinta Soomaliyeed la mid ah waxa ka dhacaya Afganistaan, falastiin iyo dhamaan wadamada carabta, waxay dadka ka soo baxay kuliyadaha aqoonta diplomaasiyada reer galbeedka kala saari waayeen waxa udana aduunka oo dhan maantaas la joogo iyo waxa u dan ah aduunka mustaqbalka dheer. Wax Scenario badan ay is barbardhigeen waxba ku keeni waaye, taasu waxay ku tusaysaa inaynan waxbadan qiyaasi karin, mustaqbalkan waxaba ka badali karin, arintuna alle gacantiisa ku jirto, xigmadiisuna weyntahay meesha uu marsiinayo asaagaa og dadkaan aduunka ku nool.
Deeqda la siiyo wadamada liita sida Soomaaliya oo kale ma ahan deeq meel cidla ku dhacda ee waa deeq aduunka oo dhan badbaadisa dibna ugu soo laabata ayadoo faa’iido weyn ah kuwii bixiyey. Siyaabo kala duwan ayuu Obama ku tilmaamay deeqdaas markii hore wuxuu yiri waa maalgalin suuqa soo koraya (downpayment for emerging market), mar kalena waxay ilaalisaa danteena sida hadii dawladii Soomaaliya dhuntay uu hadda dhibku uga haysto aduunka arrinta Soomaaliyeed iyo badda ku wareegsan. Asagu wuxuu tusaale u soo qaatay cudurka hargab doofaarka ee maanta taagan iyo sida nolosha mareykan ugu xirantahay tan wadamada kale sidii uunan cudurkaas ugu faafin mareykan oo meeshiisa loogu hakin lahaa… Yes , macro-economy buugta ugu horeysa ayey ku dhigan tahay in deeqda wadamada liita la siiyo aynan ahayn deeq ee ay tahay maalgasasho, u sheeg !!!!!!!!!!!!!!!!
wbilahi tawtiiq