jump to navigation

Cumar C/rashiid Ma Haldhacay? April 6, 2009

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
Tags: , , , ,
add a comment

Sidii aan u jeclaan inaan ka faaloodo dhacdooyinka taariikhiga ah ee soomalidu marayso ayaan maanta jeclahay inaan ka faaloodo, ra’yigaygana ka dhiibto xaalada taagan maalintaas. Hadaba maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo arimo quseeya BADDA SOOMAALIYA iyo tacadiga ka taagan.

 

Awalbaan wax horey uga qorey arinta burcada badda Soomaaliya oo aan ra’yigayga kaga dhiibtay, maantase waxaa IDHIBAY xadka badda Soomaaliya iyo keenya tasoo warbixin ku aadan arrintaas ay SomaliTalk.com wax ka qortay.. Waxaan leeyahay ninka arrinta soo diyaariyey shaqo wanaagsan baad qabatay, ajar allah ha kaa siiyo, halganka difaaca soomaliya dhanka qalinka meel adag baad kaga jirta.. Ka daali mayno insha allah difaaca dalkeena lagu goobtay, wadan walbana danta gaar ah ee uu ka leeyahay ay keentay inay mar walba ku dadaalaan inaan soomaaliya dawlad u dhalan. Haddii qaar aan ka magacaabo dalalkaas, bal soo qabo Sycheles  oo ku dadaalaysa inay joogtayso lacagta ka soo gasha Tunada xeebta soomaaliya ay ka qabsadaan dalalka yurub iyo aasiya oo dhan 9milyan oo doolar. Yeman oo ayadu rabta inay dulaalkaas Sycheles kala wareegto ilaa hadana u suurtoobin, laakiin hlaganka horistaaga soomaliyeed dhinaceeda kaga jirta. Kenya oo ayada lacag badan ka soo kasho jaaliyada Soomaaliya, haddana rabta dhulkii NFD inay ku darsato Bad lagu qiyaasay 38000KMsq, una muuqato in Cumar C/raashiid ay dabinkaas la heshay.

 

Hadaba mawduucaygu wuxuu  ku jeedaa inaan ugu sheego in taariikhda qafna ka dhuuman Karin ayna tahay inuu ka fiirsado heshiisyada lala hor ordayo, siiba wadamada horataagan in Soomaaliya dawlad noqoto, markastana isku dira dadkeeda. Haddaba ummadda Soomaaliyeed uma cuntamayso haddii lagu fuliyo heshiis xaqdaro ah waxayna sii abuuri doontaa cadowtooyo kale oo ku sii kororta midda dhulka NFD ee hadda jirta.

Dan uma aha in Keenya ay sii kororsato cadowtooyadaas, taasi waxay ku qasbi doontaa umadda soomaliyeed inay mustaqbalka soo socda dagaalo u diyaar garowdo.

Ina Cabdirashiid iyo nimanka baarlamaanka isku sheegaya waxaa leenahay walaalyaal taariikhda Soomaliya meel xun ha ka gelina ee sameeya waxyaabahan soo socda.

 

·        In aad hor istaagtaan wax walba oo soomaaliya kala dhantaalaya

·        Inaad burisaan heshiiska Cumar C/rashiid la saxiixday Kenya oo aan la ansixin

·        In dawladaha idinla hor ordaya heshiisyada aad u sheegtaan in markii dawlad rasmi ah dhisanto la idinla saxiixan doono, oo hadda waxaad saxiixdaan aan waxba ka jirin.

 

Aniga ima anfacayo heshiiskaas waanan ka dagaalami intaan noolahay

Xisaabtana waa danbeeyaa xaqdarada qofkii horseedaa oo dhulka iyo badda soomaaliya saxiixa\

 

wabilahi towfiiq,………………salah

Maxay Galabsatay Soomaali March 20, 2009

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Diinta, Somali politics and tribulations.
Tags: , ,
add a comment

Waxaa maalmahan aduunka wararka ku wareegeayey warar ku saabsan soomaaliya iyo xeebaheeda, waxaadna u malaysaa in xaalada soomaaliya ay ku dhexwareersan tahay aduunyo hardamaysa oo muruqyo isu sheeganaysa iyo qolooyin ayagu saaxada ku qalafsanaatay, labaduna dadka soomaaliyeed aan dan u hayn, waxay saaxada saxaafada aduunka soo saaraan ama ku soo dhextuuraan ayagoon ummadan masaakiinta ah ee gaajada iyo faqriga, jahliga, dagaalka ahliga, cudurada iyo dacdaro aduun oo aad magacawdidba ay haysato aan dantooda iyo baahidooda midna ka talin kana nixin… Haddase waxaa xataa qoolka qaabka daran ku jira soomaalida banaanka joogta..oo ayada xataa tuhunka rag soomaaliya u cararay sumcadooda haleeyaan kana dhigeen target ay dadka xuma doonka ah ay soomaalid ku giiraan ama geeska ku daraan, maxsuulka arrinytan ka dhashay waa in dhalin yaro soomaali ah looga yeero ilaa Senetka mareykanka lana weydiiyo su’aalo ku saabsan dhalintaas iyo waxa la fili karo in ay ka dhashaan. Well dawlada mareykanku xaq bay u leedahay inay difaacdo dadka reer maraykan oo soomalidu ay qayb sharafleh ka yihiin, kana difaacdo qatar kaga imaan karta dhalintan hadii ay wadanka ku soo noqdaan iyo  inay ka hortagto in dhalinyaro kale xagjir laga dhigo oo la seejiyo jidkii toosnaa ee diinta islaamku cadaysay.. waxaa xusid mudan inaan kaga hadlay muwduuca xagjirnimada iyo culumada soomaliyeed sida ay hadda ugu baraarugeen inay ka hadlaan, waxaanan filayaa inaynan ahayn mid ama dadka kale cadaadiskiisa loo samaynayo ama la is tusayo laakiin ay tahay in ay tahay waajib diini ah in looga gargaaro dhalinta yaryar jidka qaldan oo aan ku saxnayn diinteena…

Budhcad Badeed ama jirri loo baahnaa? February 11, 2009

Posted by maalintii in Badda Soomaaliya.
Tags: , , , ,
add a comment

Wararka maanta ku saabsan burcad badeeda soomaaliya ayaan dhawr war arkay turkiga oo maraakiib u soo dirtay xeebaha soomaaliya, maraykanka oo qabtay budhcad bada dhex maraysay, holland oo maxkamad soo taagi doonta budhcad lagu soo xiray dalkeeda….

Iyadoon Shariif uunan soo magacaabin ra’isalwasaare ayey hadana xaalada dhulka iyo bada soomaliyeed aad isu badalaysaa oo aanay ninna sugayn. Sidaan taariikhda ku aqaanay aan radiyo Turkiga iyo maraakiibtiisa oo markii ugu dambaysay gaday dhulkii soomaliyeed ee hoos imaan jiray kana gaday xeebaha soomaaliya budhcadii boortaqiiska, kadibna boortiqiisku ay madaafiic la dhaceen marka iyo xamar…. Taariikhda ka dib (hadaad u baahan tahay guuglee internetka), turkiga waxaa ku leenahay hadii aadan sunta soomaaliya lagu shubayo aadan waxba ka qabanayn ha taaban budhcad/jirida badda soomaaliya (they are newvigilants of  high seas), waxaan sidoo kale ku leeyahay dawladaha kale ee qabqabsaday dhalintaas qaarna maxkamada soo taagayo, Waa u dan dhalintanu aduunka oo dhan waayo toonada soomaliya laga dabto waxay gaadhaa aduunka oo dhan (fiiri http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/7845173.stm) iyo (http://www.flex-news-food.com/pages/21570/Fish/somali-pirates-threaten-indian-ocean-tuna-industry.html), marka waa u dan aduunkoo dhan in ay dhalintaas ka hortagaan kuwa qashinka ku shubaya bada soomaaliya ee sumaynaya aduunka iyo kuwa ka xaalufinaya kaluunka iyo koralreef-ka maadaama aynan wax dawlad ah oo xadidi karta aynan jirin.

Turkigu muxuu u dabagalay spain iyo france oo badda soomaliya xaalufiyey fiiri kanna (http://www.telegraph.co.uk/news/1896691/Nato-alert-as-Somali-pirates-seize-tuna-boat.html), wadamada u soo diraya soomaliya maraakiibta dagaal waxay difaacanayaan danaha kaluumaysi ee ay ka leeyhiin xeebaha soomaliyeed ee iska dayacan. Kaluunka ha qaateene waxaa la yaableh inaynan waxba ka qabanaynin shirkadahooda kale ee qashinlka ku shubaya meeshay ka kaluumaysanayeen, marka aniga waxay iila egtahay inay tahay arintu Ninkii cuntada sumaysnayd soo xaday ee caruurtiisa siiyey, markay caruurtu ka le’deena yiri cuntada waan soo xadaye seebay u sumaysnaan kartaa. War walaalalyaalow hunguri weynaan yeynan nawada rogine dhalinyaradan lafaha yaryar ee caruurtiina ka ilaalinaysa sunta xariga ka daaya.

Maxaan difaacayaa ?  Waxaan difaacayaa waa inta badda soomaaliya nidaam looga helayo dhalintanu waa u dan aduunkoo dhan….

Waxaa xumaan lahayd in qaramada midoobay (UN) u codeysay in badda soomaliya ay maraakiib dagaal aadaan ayadoon lagaba hadlin sunta iyo xaalufinta baddan muranku ka taaganyahay. Koralreefka xaabaha soomaaliya waa qayb ka mida ah koralreefka aduunka ee muhiim tahay in la dhawro oo reserv loo samaayo, maadaama soomaliya dawlad lahayna waa in qaramada midowday ay u ilaaliso sidii inay tahay wax muhiim ah oo aduunklu wadaago(world heritage)…..

Ma dafirsani in dhalintan ay aad u dheereeyeen arinta oo ay xuduuda dhaafeen, sida markabkii hubka waday iyo kii shiidaalka Siruis, laakiin xudunta arintu waa dhibka dadka xeebaha dega ee soomaliyeed haystay 18 sano. UN-ka inay ka hiiliso soomaaliya ma habooneyn waa ku meel dhac dadka aduunka oo dhan…

saalaxf@yahoo.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.