jump to navigation

Shabab Onslaugh on Somali people and Sharia May 15, 2009

Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.
Tags: , , , , ,
add a comment

I hope Somali people will survive from alshabab onslaught, this guys are destroying the struggle for sharia and somali dream. May god save Somali children and those week and disoriented government. We support peace  and peace be with Somali people. This fitna has origin, as i think, in 1990 when those people rape, kill, dismember and loot Somali muslim and unsuspected minority people. the grieve and horror that Somali women and the weakest in this sociaty live trough will not forgiven by the God easily. So, I think Sh. Shariif has to lead the people to towbah (repentance to god) and has to be public place and from radio too. Only when the people recognize what they did to the fellow human being and repent, will god give them guidance.

will write more on this………….inshaalah

Sharfida Shiikha iyo Faroole February 15, 2009

Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.
Tags: , , , , , ,
1 comment so far

Waxaan ka qaybgalay labo xafladood oo lagu kala sharfayey Sheekh Shariif (Xamar) iyo faroole (Puntland). Heesaha, buraanburooyinka, gabayada iyo khudbooyinka taageerada ee ay ka sinaayeen markaad dhaaftid arrinta ay dadka inta indheergaratada ah ka fakarayeen, labada xafladba, waxay ahayd rajada iyo fursada ay ragani haystaan si ay ummadan uga soo baxshaan godka halalaqa badan ee ay  ku dhacday. 

Rajada iyo fursada labaduba waa arrin guurguurta (relative) hadii aanay fahmin dadka ay qusayso, hadayna fahmina kama faa’iidaysan karaan. Waxaan u malaynayaa dhaqalayahanada (economist) inay dhihi jireen fursad seeg (missing opportunity), haddii shirkadu hesho qof aad u horumarin kara ganacsiga/faa’iidada kasoo milkiilaha/madaxda shirkadu ay shaqada ka cayriyaan ama curyaamiyaan hawshiisa ileen waa ka fikrad duwan yahaye. Markii casharada dhaqaalaha (economi) iigu dambaysay waxaa tusaale loosoo qaadan jiray shirkada NOKIA(FIN) iyo Ericson(SWE). Waxaa la qoray in shirkada Ericson lagula taliyey inay gadato shirkada Nokoia oo markaa bilow ahayd lacag yarna joogtay, laakiin madaxda Ericson baa gacanta ku dhuftay gadashadaas iyo ragii soo jeediyeyba, wixii ka dambeeyey waa la ogaa muddo shan sano ku dhaw bay Nokia ku sigtay inay suuqa ka saarto Ericson. Waxaanan u malaynayaa in qof waliba oo loo sheego uu fahmi karo lacagta seegtay Ericson markaad ka reebto suuqa ciriiriga ku noqday.

Waxaan taas uga gol leeyahay waa xusuusta xun ee ay igu reebtay markaan soo xasuusto fursadaha badan ee ay ummadan soomaliyeed soo martay kan faa’iidaysan weydey. Markaad fiirisid Static ahaan dhicataankii dawladii soomaliyeed maxaa horumar ah oo soomaliya seeagay?. Haddii aan horudhac yar kaa tusaaleeyo tan qabso….. Hadii 10,000 arday dugsiga sare ka bixi jirtay sanadwalba maxay soomaliya seegtay 19 sano. Xisaab fudud waa 190,000 arday waa hadii aadan ku darin intii ay ardadu kordhi lahayeen sanadwalba…

Haddii aan is weydiino xagee technologi, dhakhaatiir, dhaqaale iyo wixii kale oo aad magacawdo ka joogi lahayd soomaliya… waan ka niyadxumaanaynaa su’aalahaas inaan ka jawaabno waxayna soomalidu doorataa inay fadhi ku dagaal iyo qararac ka sheekayso…. waxaan jeclaan lahaa in soomaalidu yeelato dad naqdin kara waxaan ku jiro (critical thinkers).

Aan u soo noqdo sharfida labadaa nin ee aan xafladooda tageye, waxaan ka fakarayey ma waxaa la sharfayaa habka lagu socdo (system) mise waxaa la sharfayey nimanka laftooda oo kaliya amase qorshaha(plan)  ay nimankan la imaan doonaan? Hadii la tageero habka maanta lagu socdo oo wax lagu wado waa arin cajiib ah, hadii nimanka la sharfayana waa wax la garan karo hadii waxay qorshaynayaan la tageerayana maba aanan arag qorshe ay soo bandhigeen. U kaadi laba hadal oo kale duwan baan ninamka wax qorshe u dhaw ka maqalay midu waa shariifka oo yiri shareecada ayaan hirgalin, taasoo ilaa hadda hadal taagan habkii loo hirgalin lahaana aan sheegin. Faroole wuxuu yiri soomaaliya way dhaaftay waqtigii dawlad dhexe wax walba maamulaysay oo waa xukunka in la gaarsiiyo in gobaladu doortaan madaxdooda iyo golahooda odayaasha.. Aha hadii ay dhab ka tahay Faroole waxa uu ka hadlayo waxaan ka sugaynaa inuu asagu bilaabo oo doorashada gaarsiiyo gobalada Puntland iyo tuulooyinkeeda. Waa inuu qirtaa habka(system-ka) lagu soo doortay inuunan saxnay ee uu umadan gaarsiin doono qof walba inuu doorashada ka qayb galo(one man one Vote).

Ilaa iyo 1992 baa aqoon yahanada soomaliyeed ka hadlayeen in soomaaliya ay noqoto decentralized Goverment, oo tuulo walba doorato gudigeeda iyo gudoomiyaheeda, C/qaasim(qayaanoole) waa diidey sidoo kale C/lahi yusuf(burburiye) labadubana waa ku qasaareen. Marka bal aan sugno in Shariifka la sharfay iyo Farooleha la caleema saray ay ka dhabeeyaan Rajada ay ummadan ka leedahay in diinteedana lagu dhaqo xukunkoodana doortaan. Fursadana ma ka fii’iidaysan doonaan……………………..

salah ahmed

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.