Xaalada Soomaalya ee sii madoobaatay June 22, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: Iiraan, shabab, shareecada, somalia, somalipolitics
add a comment
Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya iyi aduunkaba dhacdooyin xiiso leh. Tan aduunka waxaa la xiisaynayey doorashada Iiraan iyo in orange revulation laga samayn karo halkaas… ma suurtoobin lakiin qulquladii ka dhalatay wali waa socataa.. seen u arkaa dadka reer Iiraan ee rabshadaha wad iyo kuwa xukunka hayaba. ok kuwa mudaaharaadaya waxay iila muuqataa intay nidaamka wadankooda sixi lahaayeen inay rabaan inayba burburiyaan…. waxay u adeegayaan waa la garan waayey oo aan ahayn inay Iiraan aduunka ka reebaan oo sida Soomaaliya oo kale noqdaan… Nimaan Alle nicmadiisa ku shukrin iska daada baa alla u diraa, dhalinyarada Iiraana taas bay ku socdaan. Tan dawladoodu waxaan u malaynayaa inay ka gaabiyeen isbadalka dhacaya ee aduunka, waxayna u diyaarin waayeen dhalintii ay wax bareen inay danta wadankooda u adeegaan oo ayna ininkale heeryada u qaadin… waa waxa hadda ka muuqdee..
Arinta Soomaaliadu waa mid ayadu lugaha lasii galaysa mugdi sida looga saaro ay adagtay… dhalinyarada shabaab labxdayna waxay ummadan u keeneen in ummadu ka quusato cadaalad diinteeda ku salaysan oo ay hesho.. Culumadii ciirsiga ugu dambeeyey umadan u ahaa maanta waa laga aamin baxay oo codkoodu ma dhaamo kuwii wadanka dumiyey ee mooryaanta…. Su’aasha soo wajahaday dadka soomaliyeed ee shareecada u halgameyey waa Maxaad dhaantaan kuwii kursiga dartiis dalka u rogay iyo kuwii ka dambeeyey ee kufsaday qarankoodii?” Waxay ku jawaabaan ma hayaan markii ninkii ku doodayey waxaan rabaan ajar aakhiro oo anigu aduunkan darajo marabo laakiin waxaan doonayaa in kalimada Eebe kor noqoto oo diinta loo sinaado laguna dhaqmo uu maanta kursi u dirir yahay. Waxaa kaaga daran maalin ummadan ka liidato ma soo marin, meeshay gargaar iyo dib u dhis ka sugayeen ayey rasaas lagu asqaysiiyey…Eebaa Idiin maqan, shareecada Eebbaa ilaashanaya.
Sharfida Shiikha iyo Faroole February 15, 2009
Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.Tags: faroole, shareecada, shari'a, Shariif, somalia, somaliplan, somalipolitics
1 comment so far
Waxaan ka qaybgalay labo xafladood oo lagu kala sharfayey Sheekh Shariif (Xamar) iyo faroole (Puntland). Heesaha, buraanburooyinka, gabayada iyo khudbooyinka taageerada ee ay ka sinaayeen markaad dhaaftid arrinta ay dadka inta indheergaratada ah ka fakarayeen, labada xafladba, waxay ahayd rajada iyo fursada ay ragani haystaan si ay ummadan uga soo baxshaan godka halalaqa badan ee ay ku dhacday.
Rajada iyo fursada labaduba waa arrin guurguurta (relative) hadii aanay fahmin dadka ay qusayso, hadayna fahmina kama faa’iidaysan karaan. Waxaan u malaynayaa dhaqalayahanada (economist) inay dhihi jireen fursad seeg (missing opportunity), haddii shirkadu hesho qof aad u horumarin kara ganacsiga/faa’iidada kasoo milkiilaha/madaxda shirkadu ay shaqada ka cayriyaan ama curyaamiyaan hawshiisa ileen waa ka fikrad duwan yahaye. Markii casharada dhaqaalaha (economi) iigu dambaysay waxaa tusaale loosoo qaadan jiray shirkada NOKIA(FIN) iyo Ericson(SWE). Waxaa la qoray in shirkada Ericson lagula taliyey inay gadato shirkada Nokoia oo markaa bilow ahayd lacag yarna joogtay, laakiin madaxda Ericson baa gacanta ku dhuftay gadashadaas iyo ragii soo jeediyeyba, wixii ka dambeeyey waa la ogaa muddo shan sano ku dhaw bay Nokia ku sigtay inay suuqa ka saarto Ericson. Waxaanan u malaynayaa in qof waliba oo loo sheego uu fahmi karo lacagta seegtay Ericson markaad ka reebto suuqa ciriiriga ku noqday.
Waxaan taas uga gol leeyahay waa xusuusta xun ee ay igu reebtay markaan soo xasuusto fursadaha badan ee ay ummadan soomaliyeed soo martay kan faa’iidaysan weydey. Markaad fiirisid Static ahaan dhicataankii dawladii soomaliyeed maxaa horumar ah oo soomaliya seeagay?. Haddii aan horudhac yar kaa tusaaleeyo tan qabso….. Hadii 10,000 arday dugsiga sare ka bixi jirtay sanadwalba maxay soomaliya seegtay 19 sano. Xisaab fudud waa 190,000 arday waa hadii aadan ku darin intii ay ardadu kordhi lahayeen sanadwalba…
Haddii aan is weydiino xagee technologi, dhakhaatiir, dhaqaale iyo wixii kale oo aad magacawdo ka joogi lahayd soomaliya… waan ka niyadxumaanaynaa su’aalahaas inaan ka jawaabno waxayna soomalidu doorataa inay fadhi ku dagaal iyo qararac ka sheekayso…. waxaan jeclaan lahaa in soomaalidu yeelato dad naqdin kara waxaan ku jiro (critical thinkers).
Aan u soo noqdo sharfida labadaa nin ee aan xafladooda tageye, waxaan ka fakarayey ma waxaa la sharfayaa habka lagu socdo (system) mise waxaa la sharfayey nimanka laftooda oo kaliya amase qorshaha(plan) ay nimankan la imaan doonaan? Hadii la tageero habka maanta lagu socdo oo wax lagu wado waa arin cajiib ah, hadii nimanka la sharfayana waa wax la garan karo hadii waxay qorshaynayaan la tageerayana maba aanan arag qorshe ay soo bandhigeen. U kaadi laba hadal oo kale duwan baan ninamka wax qorshe u dhaw ka maqalay midu waa shariifka oo yiri shareecada ayaan hirgalin, taasoo ilaa hadda hadal taagan habkii loo hirgalin lahaana aan sheegin. Faroole wuxuu yiri soomaaliya way dhaaftay waqtigii dawlad dhexe wax walba maamulaysay oo waa xukunka in la gaarsiiyo in gobaladu doortaan madaxdooda iyo golahooda odayaasha.. Aha hadii ay dhab ka tahay Faroole waxa uu ka hadlayo waxaan ka sugaynaa inuu asagu bilaabo oo doorashada gaarsiiyo gobalada Puntland iyo tuulooyinkeeda. Waa inuu qirtaa habka(system-ka) lagu soo doortay inuunan saxnay ee uu umadan gaarsiin doono qof walba inuu doorashada ka qayb galo(one man one Vote).
Ilaa iyo 1992 baa aqoon yahanada soomaliyeed ka hadlayeen in soomaaliya ay noqoto decentralized Goverment, oo tuulo walba doorato gudigeeda iyo gudoomiyaheeda, C/qaasim(qayaanoole) waa diidey sidoo kale C/lahi yusuf(burburiye) labadubana waa ku qasaareen. Marka bal aan sugno in Shariifka la sharfay iyo Farooleha la caleema saray ay ka dhabeeyaan Rajada ay ummadan ka leedahay in diinteedana lagu dhaqo xukunkoodana doortaan. Fursadana ma ka fii’iidaysan doonaan……………………..
salah ahmed