jump to navigation

Cumar C/rashiid iyo waxa sugaya February 14, 2009

Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.
Tags: ,
1 comment so far

Marka hore Cumar C/rashiid waxaan leeyahay allah ha kula garabgalo xilka aad doonatay. Marka kale waxaan filayaa xilka aad qaaday waa mid aad culus oo aan aad u jeclaan lahaa inaad ka soo dhalaashid kuna guulaysatid waayo ummadan kama bixi karto dibudhac kale oo cadowgeedu ku farxo. Inkastoo ayadu meesha is dhigtay hadana waxay u baahantahay dad ka samatabixiya dhibka iyo cadowga badan ee ku hareeraysan.

Waana guul ay gaareen dhalinyarada soomaliyeed ee odayaahsu mudada dheer ay hadba meel ula habaabayeen. Haddii adinlka oo laba qof oo gobanimadii ka dib dhashay (post independency) aad xukunka qabateen waa allah mahadi, laakiin waxaa la idiinka tagay ummad diinteedii, dhaqankeedii, aqoonteedii iyo xoogeediiba la haleeyey. waa ummad aynan u fayoobayn meelna xagga caqliga, cimilada iyo cimrigaba (waxay ku dhimataa 47 jir (life expectance), waa cimriga aad hadda jirtaane).

Taas markaan ka gudbo culumadu waa iftiinka diinta ee soo dhaweeya, shareecadana wadanka ku haga, waayo qolo walba sharcigeedu wuxuu ka yimaada dhaqankeeda, annagana dhaqankeenu waa diinta allah. Waxaan qabaa inaan wadanna nagu qasbin inaanan dhaqankeena ku dhaqmin, wixii wada noolaansho ah waan u ogolahay haday na nabad galiyaan. Waxaa muhiim ah inaad la hadashaan dhalinyarada soomaliyeed iyo aqoonyahanada indheergaradka ah si ummadan looga samatabixiyo dagaalo kale oo naafeeya..

Tan iigu dambaysa waa sidii aad ugu diyaarin lahaydeen sidii soomaaliya ilaa heer tuulo loo gaarsiin lahaa maamul ayagu soo doortaan oo aan madaxweyne soo magacaabin (No more central goverment). Waxaan waayo aragnimo u qabnaa qasaaraha uu leeyahay maamul dhexe oo asagu wax walba magacaaba ummadana aan ka talo weydiin qofka ay u rabaan inuu maamulo tuuladaas.. Waa habka ay ka leexan waayeen C/qaasim iyo Cabdulahi Yusuf, garana waayeen jidka cusub ee Soomaaliya ku badbaadi karto inay tahay in magaalo iyo gobol walba doorato barlamaankiisa yarka ah iyo madaxdiisa. Haddii aad tihiin indheergarad waaba la arki doonaaye, waa iniinaan ku fakarin awooda maanta aad leedihiin sidii aad ugu amar kutaaglayn lahaydeen, adinkoo magacaabaya gudoomiyayaal oo kale, ee waa inaad ku fakartaan mustaqbalka dheer jidkii ay ummadan ku dhaqmi lahayd ee ay ku badbaadi lahayd aduun iyo aakhiraba….

Ku dhaqanka  Diinta iyo doorashada xorta ah ee ummadu maamulkeeda ku dhisato baa ugu muhiimsan inaad labada sano hirgalisaan…
Anagu waan idin arki doonaa… meeshaad umadan wareertay u dhaqaajisan…

salah ahmed

Maalintii u horeysay February 10, 2009

Posted by maalintii in Uncategorized.
Tags: , , , ,
1 comment so far

tanu waa tii aan ku bilaabay wordrpess ee maaha midaan ku bilaabay blogong

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.