Aan kitaabka kaaga nabad galo! November 1, 2009
Posted by maalintii in Diinta, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: shabaab iyo diinta, shareecada, soomaliya
add a comment
Waxaa maalmahan la hadal hayaa oo dhagaha dadka soomaaliyeed ku batay dhalinyarada loogu yeero Shabaabka.. doodaha badan oo ummada soomaaliyeed ee dibada ku nool iyo waliba kuwa wadanka ku noolba baa siyaabo kala duwan uga haldlay xaalada soomaalida qarankeedu ku sii socdo.. Midda ugu qiimayn fiican waa ninka yiri shabaabku waxay ku guuleysteen inay ummaddan shareecada ka horkeenaan.. hadalada aan maqlay bay ka mid tahay hadaad kitaabka wadatid (aan asaga kaaga nabad galo) oo micnaheedu yahay kitaabkaaga maahee aan amaan kaa helo. Waa hadalo naxdin leh in la maqlo, taasoo ku tusaysa inay ummaddan ka noqotay in kitaabka lagu hogaamiyo. Waa arrin naxdin leh oo soo gabagabaynaysa saxwadii islaamka ee Soomaaliya.
Halgankii loo soo maray mudada dheer in ummaddan la baro sidii ay ilaahay u caabudi lahayaan. Halgankaas dheer ee ummadda soomaliyeed u soo gashay soo celinta iyo soo noolaynta shareecada ayaa hadda waxay u muuqataa mid ay mugdi weyn ku soo aadan tahay. Qarankii Soomaliyeed ee 1990 laga dhigay hal bacaad lagu lisay, ayey hadda u muuqaataa in ayaduna wax rajo ah ka muuqan qaybii diinta ee loo fakan lahaa. Arrinta ugu dhibaato badan waxaa weeye in horseedayaal ka noqdeen dhalinyaradii laga filayey inay hirgaliyaan, waxayna taas la mid tahay tii ciidamada xooga soomaaliya qaar ka mid ah sameeyeen, ee ahayd inay qarankay difaacayeen dumiyaan, oo cadawgeeda u liidaan. Waxaa loo baahan yahay in la ogaado meesha wax halaabeen, xag diin iyo xag qaranba. Inkastoo aan malaynayo inay labada arrimood ay aad u kala duwan yihiin haddana waxaan filayaa inay meeleha qaarkood isaga mid yihiin.
Haddaba taariikh qorayaasha iyo baarayaasha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay hadda wax ka qoraan xaalada ay ku sii socoto ummaddan. Haddii ay noqoto inay sidaas ku qaran weydo oo ka tiranto juqraafiga aduunka iyo haddii ay badbaadaba waa arrin aad u haboon in sida maanta wax dhacayaan wax laga qoro.
salah