jump to navigation

Sh. Shariif maxaa la gudboon February 10, 2009

Posted by maalintii in Somali politics and tribulations.
Tags: , , , ,
add a comment

Waxaan jeclahay inaan soo koobo oo aan iraahdo horta waa waa ku faraxsanahay in aduunku ogolaado inaan diinteenu tahay saldhiga sharcigeena iyo dastuurkeena. Maxaan taas u leeayahay muddo badan baa muran ka taagnaa marka la fiiriyo hardanka soomaaliya oo ayna diintu ka marayn saaxada dagaalka soona taagnayd ilaa iyo intii aanba Jaalle Siyaad xukunka ka tegin. Markasta oo ummada soomaliyeed ay damacdo inay arimaheeda ka tashato waxaa sanka laga galinayey dagaal oogayaal aan hogaamin iyo horu socod midna lahayn. Yaanan ku dheeraan taariikhda halganka diinta (saxwada) iyo heerarka ay soo martaye aan u gudbo sida maanta ay iila muuqato iyo halka hadii allah daacad loo yahay, fiiro dheerna la leeyahay, ay abaari karto taladu.

si looga mirodhaliyo halagankan shareecada waxaa muhiim ah

  • In culumadu garato marxalada aan ka soo gudubnay iyo mida maanta la joogo
  • In haddii sh. Shariif uu wax meeldhexaad (compramise) ah la gaaray dadkii ka soo horjeeday shareecada uu u soo bandhigo umadan si ay u qiyaasto talaabada kale ee lagu gorgortami karo
  • In dadka u taagan shareecada aanay noqon kuwo ayagu uun dantooda ka fakara ee ay allah uga baqaan inaan la kala daadin arrintan ee si xoogleh loo adkeeyo wadahadalana lagu soo afjaro hilinkii diinta iyo dadkaba la marin lahaa

Haddaba maxaa la gudboon Sh. Shariif

  • In uu ra’isal wasaare u xusho nin waxgarad ah oo ah dadkii xornimada ka dib dhashay, waayo waxaa is badalay jiilkii, jiilkii gumaysiga ka haray, qaarna wadankay difaaceen, dhiseen, waxna bareen, qaarna wadanka ayey qaran la’aan ka dhigeen, cadowgii u jabiyeen soona keeneen ilaa xamar, mana aynan u nixin markii wadanka iyo dadkiiba sun lagu soo daldalay oo lagu baa’bashey, uma ay diirnixin markii ummada soomaaliyeed ay u baab’baday gaajo, cudur, jahli, sun iyo duleysi. Waayo way ka tanaasuli lahaayeen madaxnimda ay raadinayaan haday umadan ka naxayaan. jiilka danbe waa ka aqoon badan yihiin waxayna wax ku soo barteen wadanka oo qabyaalad qurun katahay, dadka ugu yaryar ee maanta joogana faraha ayey uga gubteen qabyaalada oo qurunkeeda arke.
  • In dhalinyarada maanta joogta u tababaro difaaca dadka, diinta iyo dalka, waxaana lag faa’iidaysan karaa saraakiishii xoogga dalka soomaliyeed waxa ka nool, waxaan filayaa inay waxbadan ka soo harin. waxaan saas u leeyahay gumaysigu umaadan wuxuu kala dagaalamayaa inay continuty yeelato oo jiilba jiilka ka dambeeyo gaarsiiyo dawladnimada iyo difaaca danta umadan. Cidna ha ka aqbalin ciidan ma dhisan kartid iyo wixii la mid ah waayo ciidamada xooga dalku waxay qabtaan difaac kaliya maaha ee waa u gargaarka umadan waqtiga aafada dabiicigu dhacdo iyo in laga waantoobo in dalkan la iska soo weeraro oo la qabsado.
  •  In Ummada u horseedo is cafis iyo sidii allaah loogu toobadkeeni lahaa si jamac ah iyo si kali ah, in dadka soomaliyeed la tuso khalidkii ay ka galeen walaalahooda kale ee ahaa dilka, dhaca, kufsiga, xasuuqa,  kii ay ka galeen qarankoodaa ee ahaa burburinta qaranka heer walba, gowricidii dhalinyaradii xooga dalka, burburintii iskoolad, jaamacadaha, isbitaalad iwm. Haddii aan ummadu garan qaladka ay gashay oo aan dood dheer iyo tusaalayn lagu tusin khaladkaas wax kama jiraan weeye inay umadan cadaalada iyo diinta ku dhagto.
  • In uu Culumada waaweyn ee umadan u sameeyo gole muftiyeed iftada bixiya dadka shareecada bara, si ay u harto in sheekhwalba waxa uu doono radiyo waxa uu doonana islaaxiyo.

wabilaahi towfiiq

salah

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.