Budhcad Badeed ama jirri loo baahnaa? February 11, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya.Tags: budhcada bada, indian ocean, piracy, somalia, tuna
add a comment
Wararka maanta ku saabsan burcad badeeda soomaaliya ayaan dhawr war arkay turkiga oo maraakiib u soo dirtay xeebaha soomaaliya, maraykanka oo qabtay budhcad bada dhex maraysay, holland oo maxkamad soo taagi doonta budhcad lagu soo xiray dalkeeda….
Iyadoon Shariif uunan soo magacaabin ra’isalwasaare ayey hadana xaalada dhulka iyo bada soomaliyeed aad isu badalaysaa oo aanay ninna sugayn. Sidaan taariikhda ku aqaanay aan radiyo Turkiga iyo maraakiibtiisa oo markii ugu dambaysay gaday dhulkii soomaliyeed ee hoos imaan jiray kana gaday xeebaha soomaaliya budhcadii boortaqiiska, kadibna boortiqiisku ay madaafiic la dhaceen marka iyo xamar…. Taariikhda ka dib (hadaad u baahan tahay guuglee internetka), turkiga waxaa ku leenahay hadii aadan sunta soomaaliya lagu shubayo aadan waxba ka qabanayn ha taaban budhcad/jirida badda soomaaliya (they are newvigilants of high seas), waxaan sidoo kale ku leeyahay dawladaha kale ee qabqabsaday dhalintaas qaarna maxkamada soo taagayo, Waa u dan dhalintanu aduunka oo dhan waayo toonada soomaliya laga dabto waxay gaadhaa aduunka oo dhan (fiiri http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/7845173.stm) iyo (http://www.flex-news-food.com/pages/21570/Fish/somali-pirates-threaten-indian-ocean-tuna-industry.html), marka waa u dan aduunkoo dhan in ay dhalintaas ka hortagaan kuwa qashinka ku shubaya bada soomaaliya ee sumaynaya aduunka iyo kuwa ka xaalufinaya kaluunka iyo koralreef-ka maadaama aynan wax dawlad ah oo xadidi karta aynan jirin.
Turkigu muxuu u dabagalay spain iyo france oo badda soomaliya xaalufiyey fiiri kanna (http://www.telegraph.co.uk/news/1896691/Nato-alert-as-Somali-pirates-seize-tuna-boat.html), wadamada u soo diraya soomaliya maraakiibta dagaal waxay difaacanayaan danaha kaluumaysi ee ay ka leeyhiin xeebaha soomaliyeed ee iska dayacan. Kaluunka ha qaateene waxaa la yaableh inaynan waxba ka qabanaynin shirkadahooda kale ee qashinlka ku shubaya meeshay ka kaluumaysanayeen, marka aniga waxay iila egtahay inay tahay arintu Ninkii cuntada sumaysnayd soo xaday ee caruurtiisa siiyey, markay caruurtu ka le’deena yiri cuntada waan soo xadaye seebay u sumaysnaan kartaa. War walaalalyaalow hunguri weynaan yeynan nawada rogine dhalinyaradan lafaha yaryar ee caruurtiina ka ilaalinaysa sunta xariga ka daaya.
Maxaan difaacayaa ? Waxaan difaacayaa waa inta badda soomaaliya nidaam looga helayo dhalintanu waa u dan aduunkoo dhan….
Waxaa xumaan lahayd in qaramada midoobay (UN) u codeysay in badda soomaliya ay maraakiib dagaal aadaan ayadoon lagaba hadlin sunta iyo xaalufinta baddan muranku ka taaganyahay. Koralreefka xaabaha soomaaliya waa qayb ka mida ah koralreefka aduunka ee muhiim tahay in la dhawro oo reserv loo samaayo, maadaama soomaliya dawlad lahayna waa in qaramada midowday ay u ilaaliso sidii inay tahay wax muhiim ah oo aduunklu wadaago(world heritage)…..
Ma dafirsani in dhalintan ay aad u dheereeyeen arinta oo ay xuduuda dhaafeen, sida markabkii hubka waday iyo kii shiidaalka Siruis, laakiin xudunta arintu waa dhibka dadka xeebaha dega ee soomaliyeed haystay 18 sano. UN-ka inay ka hiiliso soomaaliya ma habooneyn waa ku meel dhac dadka aduunka oo dhan…