Cumar C/rashiid Ma Haldhacay? April 6, 2009
Posted by maalintii in Badda Soomaaliya, Edaucation and Development, Somali politics and tribulations.Tags: badda soomaliya, cumar c/rashid, indian ocean, kenya iyo somali, xadaynta badaha
add a comment
Sidii aan u jeclaan inaan ka faaloodo dhacdooyinka taariikhiga ah ee soomalidu marayso ayaan maanta jeclahay inaan ka faaloodo, ra’yigaygana ka dhiibto xaalada taagan maalintaas. Hadaba maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo arimo quseeya BADDA SOOMAALIYA iyo tacadiga ka taagan.
Awalbaan wax horey uga qorey arinta burcada badda Soomaaliya oo aan ra’yigayga kaga dhiibtay, maantase waxaa IDHIBAY xadka badda Soomaaliya iyo keenya tasoo warbixin ku aadan arrintaas ay SomaliTalk.com wax ka qortay.. Waxaan leeyahay ninka arrinta soo diyaariyey shaqo wanaagsan baad qabatay, ajar allah ha kaa siiyo, halganka difaaca soomaliya dhanka qalinka meel adag baad kaga jirta.. Ka daali mayno insha allah difaaca dalkeena lagu goobtay, wadan walbana danta gaar ah ee uu ka leeyahay ay keentay inay mar walba ku dadaalaan inaan soomaaliya dawlad u dhalan. Haddii qaar aan ka magacaabo dalalkaas, bal soo qabo Sycheles oo ku dadaalaysa inay joogtayso lacagta ka soo gasha Tunada xeebta soomaaliya ay ka qabsadaan dalalka yurub iyo aasiya oo dhan 9milyan oo doolar. Yeman oo ayadu rabta inay dulaalkaas Sycheles kala wareegto ilaa hadana u suurtoobin, laakiin hlaganka horistaaga soomaliyeed dhinaceeda kaga jirta. Kenya oo ayada lacag badan ka soo kasho jaaliyada Soomaaliya, haddana rabta dhulkii NFD inay ku darsato Bad lagu qiyaasay 38000KMsq, una muuqato in Cumar C/raashiid ay dabinkaas la heshay.
Hadaba mawduucaygu wuxuu ku jeedaa inaan ugu sheego in taariikhda qafna ka dhuuman Karin ayna tahay inuu ka fiirsado heshiisyada lala hor ordayo, siiba wadamada horataagan in Soomaaliya dawlad noqoto, markastana isku dira dadkeeda. Haddaba ummadda Soomaaliyeed uma cuntamayso haddii lagu fuliyo heshiis xaqdaro ah waxayna sii abuuri doontaa cadowtooyo kale oo ku sii kororta midda dhulka NFD ee hadda jirta.
Dan uma aha in Keenya ay sii kororsato cadowtooyadaas, taasi waxay ku qasbi doontaa umadda soomaliyeed inay mustaqbalka soo socda dagaalo u diyaar garowdo.
Ina Cabdirashiid iyo nimanka baarlamaanka isku sheegaya waxaa leenahay walaalyaal taariikhda Soomaliya meel xun ha ka gelina ee sameeya waxyaabahan soo socda.
· In aad hor istaagtaan wax walba oo soomaaliya kala dhantaalaya
· Inaad burisaan heshiiska Cumar C/rashiid la saxiixday Kenya oo aan la ansixin
· In dawladaha idinla hor ordaya heshiisyada aad u sheegtaan in markii dawlad rasmi ah dhisanto la idinla saxiixan doono, oo hadda waxaad saxiixdaan aan waxba ka jirin.
Aniga ima anfacayo heshiiskaas waanan ka dagaalami intaan noolahay
Xisaabtana waa danbeeyaa xaqdarada qofkii horseedaa oo dhulka iyo badda soomaaliya saxiixa\
wabilahi towfiiq,………………salah